9.9 C
London
Thursday, October 23, 2025

Midowga Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Midowga Dhallinta Kacaanka ee Suuriya oo heshiisyo ku kala saxiixday caasimada dalka Suuriya ee Dimishiq

- Advertisement -spot_imgspot_img


Jimco, March 09, 2007(HOL): Shirweynahan waxaa uu socday seddex maalin,  waxaana isugu yimid gudiga fulinta ee Midowga dhallinyarada Afrika, iyadoo looga hadlayay ama lagu falanqeeynayay Mehrajaan ka dhici doona dalka Uganda bisha 12aad ee sanadkan 2007.

 

Midowga Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa uga qeyb galay kulankaas madaxa xiriirka Arrimaha Dibada mudane Maxamuud Cabdiraxman Muuse oo kulankaas ka jeediyay hadal uu ku soo bandhigay xaaladda dhallinta Soomaaliyeed gudo iyo dibadba, shirka markuu dhamaaday madaxa xiriirka waxaa kale oo uu la kulmay gudoomiyaha midowga dhallinta Kacaanka Suuriya Dr. Cadnaan waxayna is-weydaarsadeen warbixino ku saabsan labada dal dhalintooda iyo xaaladda guud ee labada wadan. intasa kadib waxay labada urur kala saxiixdeen heshiis ka kooban lix qodob oo kala ah :-


1.      In ay ka shaqeeyaan wanaajinta iyo horumarinta isku xirka labada dhinac wax kasta oo u suuragelinaya.

2.      In ay ka shaqeeyaan labada dhinac is-dhaafsiga kulamada iyo booqashooyinka dhallinta dhexdeeda ah, waxaana la isku waafaqay labada dhinac barnaamijyo xadidan.

3.      In Dhalinta Soomaaliyeed ay kala qeybgalaan dhalinta Kacaanta Suuriya Barnaamijyadooda Xagaaga

4.      In ay labada dhinac is-dhaafsadaan wararka, warbixinnada iyo siminaarada ka soo baxa labada dhinac.

5.      In ay xiriir joogto ah wada yeeshaan labada dhinac.

6.      In Midowga Dhalinta Suuriya ay ka kaalmeeyaan Dhalinyarada Soomaaliyeed helitaanka Waxbarasho heerar kala duwan leh.

 

C/risaaq Xaaji Xuseen

naxariis@hotmail.com

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).