11 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Diyaarad waday Ciidamo iyo Qalab Mileteri oo uu dab ku qabsaday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img


Jimco, March 09, 2007(HOL): Diyaarad nooca Mileteriga ah oo waday Ciidamo iyo Qalab Mileteri oo loogu talagalay Ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgelaya Magaalada Muqdisho ayaa saakay waxaa uu dab ku qabsaday gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

 

Lama yaqaano wixii dhaliyay dabkaas, waxaase  soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan sababta uu dabka uga kacay diyaaraddaas. Dad ku dhow Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in diyaarad gantaal lagu dhuftay, taasina ay keentay in uu dab ka kaco.

 

Laakin waxaa warkaasi waxba kama jiraan ku tilmaamay Wasiir ku xigeenka Gashaandhigga Salaad Cali Jeelle oo sheegay in diyaaradda ay cilad farsamo oo dhinaca Taayarrada ah ay ku timid, wuxuuna intaas ku daray in ciladdaas ay diyaaradda ku timid markii ay soo degeysay oo ay lugaha dhulka ku dhufsatay.

 

Diyaaradda ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho waxay keentay Ciidamo iyo Qalab Mileteri oo ka socday Dowladda Uganda, wuxuuna duulimaadka diyaaraddani uu qeyb ka ahaa duulimaadyo dhowr ah oo maalmihii tegay ku degayay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

 

Sida uu sheegay Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle waxaa magaalada Muqdisho haatan ku sugan ilaa 1,200 oo Ciidamo Yugandha ka socda ah, kuwaasi oo wax weyn ka bedeli doona xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ilaa iyo hadda ma jirto cid madax banaan oo xaqiijin karta waxa diyaaraddaas ku dhacay ee keenay in uu dabka ka kaco, marka laga soo tago wararka ka soo baxaya dhinaca Dowladda ee sheegaya in diyaaradda ay cilad farsamo ku timid iyo warka ay sheegayaan dadka degan nawaaxiga garoonka ay sheegaya in diyaaradda gantaal lagu dhuftay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).