Khamiis, March 08, 2007(HOL): Xarunta Maamulka gobalka Hiiraan ayaa waxaa lagu qabtay markii ugu heraysay in mudo ah xuska maalinta haweenka aduunka 8 marso oo waqtigan oo kale siweyn looga xuso dhamaan Gobalada dalka oo ay ku jirto caasimada Muqdisho.
Xubanaha maamulka heer gobal iyo degmo iyo waliba marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabada ayaa halkaa ka soo jeediyay hadalo kooban oo dhamaan ka turjumaya qiimaha haweenku lee yihiin gaar ahaan haweenka soomaaliyeed oo lagu amaanay qebtii ay ku lahaayeen ilaalinta qoyska xili inta badan ragu ay ku soo dhaceen meel cidlo kadib markii la waayay nidaamkii guud ee dalka ka jiray.
Guddoomiyaha ururka haweenka gobalka Hiiraan Faadumo Xaaji Xuseen (Afcadey) oo ka mid aheyd mas’uuliyiitii ka hadashay munaasabada ayaa ku dheeraatay doorka haweenku ku la haayeen halgankii dheeraa ee loo soo maray xuriyada maanta la harsanayo iyo waliba marxaladihii kala duwanaa ee uu haweenku ka soo maray sidii mar uun bulshada soomaaliyeed meel laysugu keeni lahaa iyada oo dhanka kale xubnaha maamulka gobalka ugu baaqday in fiiro gaar ah loo yeesho doorka haweenka oo sida ay ka dhawaajisay aad moodo mid waqtigan la xaqirayo.
Sidoo kale waxaa ka mid ahaa haweenkii ka hadalay munaasabada Gudoomiyahay haweenka ee dagmada B/weyn Duniyo Daahir Dhicisow oo sheegtay in waqtigan haweenka soomaaliyeed ay u taagan yihiin sidiii looga miro dhalin lahaa habsami u socodka howlaha dowlada federaalka, iyada intaa ku dartay in aysan waxba ka hagran doonin sidii dowladu ay u noqon laheyd mid shaqeysa.
Ku xigeenka ururka haweenka gobalka Hiiraan Khadiijo Qudaarey oo ka hadashay iyana munaasabada ayaa sheegtay in hadii ay yihiin haweenka gobalka hiiraan ay aad uga qiiroonayaan dhibaatada heysata haweenka soomaaliyeed, gaar ahaan waxaa ay farta ku fiiqday barakaca ka jira magaalada muqdisho iyada oo ugu baaqday dowlada federaalka in arintaa hoos loo eego, sidoo kale waxaa ay carabka ku dhufatay in ay soo dhaweynayaan shirka dib u hishiisiinta ee dowladu ay ku baaqday.
Musaabada oo aheyd mid siweyn loo soo agaasimay ayaa xubnihii goob jooga ka ahaa waxaa ka mid ahaa wasiirka ku xigeenka arimaha garsoorka Xasan Buraale Max’ed oo maalmahan shaqo u joogay gudaha gobalka iyo waliba gudoomiyaha maamulka gobalka Hiiraan Xuseen Mux’ed Maalin
(Xuseen Ayax).
Sidoo kalena Magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo magaalooyinka Puntland ayaa maanta lagu qabtay xaflado lagu xusayay maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso.
Magaalada Muqdisho oo kale haddii aan soo qaadano waxaa xus loo sameeyay 8-da Maarso lagu qabtay Hotelka Global, Xarunta SSWC iyo Hotelka Nabadda, waxayna dhamaan xafladahaasi ay ahaayeen kuwo lagu maamuusayay maalinta Haweenka Adduunka, iyadoo laga soo jeediyay baaqyo ku saabsan in la joojiyo xadgudubyada loo geysanayo haweenka Soomaaliyeed.
Ururuka Badbaadinta Haweenka iyo Dhallaanka Soomaaliyeed ee SSWC ayaa xaflad uu ku qabtay xaruntiisa Magaalada Muqdisho wuxuu ku soo bandhigay waxqabad uu Ururka u sameeyay Haweenka Soomaaliyeed, iyadoo shahaadooyin kala duwan la guddoonsiiyay Haween la siiyay xirfado ay ku shaqeysan karaan. Sidoo kalena wuxuu Ururkan munaasabadda 8-da Maarso aawgeed uu alaabta wax lagu karsado u qeybiyay dad soo barakacay oo ku sugan seddex xero oo Muqdisho ku yaala, kuwaasi oo kala ah Kaam Shiirkole, Dugsiga Taleex iyo Kaam Shiirkole 2.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online