11 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Golaha Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo ka hadlay sida ay u arkaan Baaqa Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta iyo wararka ka soo baxay Beesha Haweiye

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, March 08, 2007(HOL): Waxaad moodaa waxqtigan in wargaradka iyo waliba Odayaasha dhaqanka beeluhu siweyn isha ugu wada hayaan qabsoomida shirka dib u hishiisiinta ee dowlada federaalku ku baaqday, gaar ahaan waxaa arintaa waqtigan si weyn u hadal haya wax-garadka iyo waliba  odayaasha  ku abtirsata  beesha Hawiye oo aad mooda in siyaabo kala duwan ay u cabirayaan  shirka iyo waliba aragtidooda ku aadan qaabka uu u dhacayo.

 

Gobalka Hiiraan oo ka mid gobalada dalka ee sida weyn arita shirka looga hadal hayo ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen Golaha dhaqanka ee gobalka waxaa ay kaga hadleen arigtidooda la xiriirta  qabsoomida shirka iyo waliba hadalka ka soo yeeray wax-garad ka tirsan beesha Hawiye oo shir ku yeesha magaalada Muqdisho.

 

Qoraalka oo ahaa mid aad u dheer ayaa marka la soo koobo waxaa lagu sheegay in mar walba Golaha dhaqanku soo dhaweynayaan shirweyne laysugu keeno dhamaan beelaha soomaalida oo sida qoraalku u dhignaa saldhig u ah mashaqada daba dheeraatay ee ka aloosan dalka soomaaliya, gaaar ahaan waxaa uu qoraalku farta ku fiiqay beesha Hawiye oo sida hadalka loo dhigay ah tan kaliye ee 16kii sano ee la soo dhaafay xasiloonida u diiday  Koonfurta dalka Soomaaliya halka  gobalda Waqooyi iyo Bari  ay sameysteen nidaam iyo u horseeday in ay soo celiyeen shircigii ay kala danbeytii.

 

Sidoo kale waxaa lagu sheegay Qoraalka in ay mudan tahay arin la soo dhaweeyo shirweyne xal doon ah oo waliba markiii ugu horeysay lagu qabanayo gudaha dalka soomaaliya, iyaga oo intaa sii raaciyay in wax lagu farxo aysan aheyn in walib ay jiraan shaqsiyaad meelo kale wax ka eegaya halkii loo baahnaa in ay dhiira galiyaan qabashada shirkaa oo kale.

 

Laakiin waxaa xusid mudan in qoraalku uusan ka tagin baahida loo qabo in shirka lagu soo daro shaqsiyaadka loo maleyn karo in awood ku leeyihiin mashaqada taagan, walow hadana dhanka kale lagu sheegay in shaqsiyaadkaa laftirkooda ay dib u galaan beelo ama Qabaa’il oo hadii laysku keeno arintooda halkaa lagu dhameyn karo.

 

Dhanka kale Golaha guurtidu waxaa uu si qota dheer uga hadlay warka ka soo yeeray wax-garadka ka tirsan beesha Hawiye ee shirka ku yeeshay magaalada Muqdisho, lakiin marka la soo koobo nuxurka arinta ku saabsan beesha Hawiye ayuu qoraalku  muujiyay in loo baahnaa wax-garadka shiray mar hadii ay ku fariisanayaan magaca  beesha Hawiye la soo wargaliyo dhamaan duubabka dhaqanka beesha, lakiin aan loo baahneyn in lagu dag-dago soo saarida go’aamo aan lawada ogeyn iyada oo lagu xusayo beesha Hawiye in go’aan kaasi qaadatay,

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee iyadoo hadal heynta shirka dowladdu ku baaqday uu yahay mid aad u balaaran ayaa hadana waxaa loo wada fadhiyaa  marka la gaaro  16ka April oo ah goorta loo balamay in shirkaasi la qabto waxaana arinta xiisaha lahi tahay sida Beesha Hawiye shirkaasi uga soo qeyb gali doonto mar hadii iyada oo shirkii la gaarin ay soo baxayaan warar muujinaya in shirkaasi aan lagu qanacsaneyn.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).