11 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Ciidamadii ka socday Uganda oo caawa weerarkii ugu horeeyay uu ku qabsaday Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, Maarso 07, 2007(HOL): Ciidamadii ka socday Dowladda Uganda ee shalay iyo maanta gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa caawa waxaa ku qabsaday Magaalada Muqdisho weerarkii ugu horeeyay.

 

Ciidamada Uganda oo marayay Nawaaxiga Isgoyska KM4 ayaa waxaa weerar ku qaaday kooxo hubeysan, kadibna waxay rideen rasaas ay isku difaacayeen oo ay ku waxyeeloobeen dad rayid ah oo ku sugnaa iridka Maqaayad ku taala Isgoyska KM4 oo lagu magacaabo FATXI.

 

Halkaas waxaa ka dhacay dhimasho iyo dhaawac aad u faro badan oo soo gaaray dad rayid ah oo ku sugnaa iridka Maqaayaddaas, waxayna dad goob joogayaal ah ay noo xaqiijiyeen in dhimashada halkaas ka dhacday ay shan ruux ka badan tahay, halka dhaawacuna  toban ruux kor u dhaafay.

 

Dadkii ku dhaawacmay shaqaaqadaas ayaa la geeyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, waxayna dhaqaatiirta ka howlgasha Isbitaalka Madiina ay sheegeen in dadka dhaawaca ah ee la gaarsiiyay ay yihiin kuwo xaaladdooda halis tahay, waxayna taasi ku sababeeyeen iyadoo dadkaas la geeyayIsbitaalka  xili ay aad u dhiig-baxeen kadib markii magaalada Muqdisho habeenkii laga joojiyay dhaqdhaqaaqa Gaadiidka.

 

Waa Dhacdadii labaad ee ay Ciidamada Uganda Xamar kula kulmeen tan iyo markii ay shalay gaareen Magaalada Muqdisho, waxaana shaqaaqadan caawa qabsatay ka horeysay oo ay goob joog u noqdeen madaafiic shalay lagu tuuray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, xili ay garoonka ka socotay xaflad lagu soo dhaweynayay.

 

Wixii soo kordha kala soco Hiiraan Online

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).