11.8 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Qeybtii labaad Ciidamo ka socda Uganda oo maanta Muqdisho gaaray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, March 07, 2007(HOL): Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray qeybtii labaad ee Ciidamo ka socda Dowladda Uganda, kuwaasi oo tiradoodu gaareysay 400 oo askari. Shan Diyaaradood oo waa weyn ayaa ciidamadan ka soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxaana garoonka ku soo dhaweeyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle iyo ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho ee dhinaca siyaasadda iyo nabadgelyada Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweey.

Ammaanka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo goobaha u dhow dhow ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana lagu daadiyay ciidamo tiro badan oo si weyn u baarayay gaadiidka iyo dadka, iyadoo ciidamadaasi ay ka hortegayeen in weerarro lagu qaado garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Maalintii shalay ahayd oo ay garoonka ka soo degeen Ciidamadii ugu horeeyay oo Uganda ka socda ayaa waxaa garoonka diyaaradaha lagu tuuray dhowr madfac, waxaana xiligaas garoonka ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo saraakiil iyo ciidan oo ka tirsan Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Uganda.

Ciidamada Uganda ee ku soo qulqulaya Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in qeybo ka mid ah duulimaadyada keenaya ay ka soo degaan garoonka Diyaaradaha Balli-Doogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo kadibna ay dhinaca dhulka ka soo geli doonaan Magaalada Muqdisho oo ah halka la doonayo in ay ka howlgalaan.

Dhanka kalena, waxaa maanta Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho lagu dilay labo Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwaasi oo markii la dilayay ku jiray Howlgallo. Labadan Askari oo ay dileen Kooxo hubeysan oo markii ay dilka geysteen kadib ku baxsaday gaari ay wateen ayaa waxaa la sheegay in ay ku hubeysnaayeen Bastoolado, isla markaana ay in muddo ah u dhakanayeen labada Askari ee ay dileen.

Dilalka loo geysanayo Saraakiisha iyo Ciidamada ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa ku soo badanaya Magaalada Muqdisho, iyadoo horayna weerarro loogu qaaday fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee caawinaya, ilaa iyo haatanna ma muuqato wax tallaab ah oo ay Dowladda ka qaadeyso kooxaha hubeysan ee ugaarsanaya Ciidamadeeda iyo saraakiisheeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).