11.8 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Ciidamo Itoobiyaan ah oo Dad Bukaan Isbitaal u waday ku rasaaseeyay Wadada Warshadaha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, March 07, 2007(HOL):: 2 ruux ayaa geeriyootay seddex kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii ay Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Wadada Warshadaha ay rasaas huwiyeen gaari Mini Bus ah oo dad bukaan ah Isbitaal loogu waday.

 

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ah labo haween ah iyo wiil la socday  kuwaasi oo dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen, waxayna marka la rasaaseynayay ay ku sii jeedeen Isbitaalka SOS ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay u wadeen Gabar Uur leh oo Teetano ay ku dhacday, taasi oo ay ka keeneen Deegaanka Wanla-weyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa wax yar ka hor xiliga ay rasaaseynayeen Gaarigan waxaa weerar ku qaaday kooxo hubeysan oo sida la sheegay khasaaare u geystay, waxaana muuqata in ciilkii ay qabeen ay kala dul dhaceen gaarigan Bukaanka siday ee ku sii jeeday Isbitaalka SOS.

 

Dhanka kalena, waxaa saaka degan Deegaanka Shiirkole iyo nawaaxiga Wasaaraddii Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay maalintii shalay ahad ka dhaceen weerarro lala beegsaday Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowladda federaalka ee halkaas ku sugan, inkastoo dadka deegaanadaas ku dhaqan ay muujinayaan wel wel ku saabsan in mar kale dushooda lagu dagaalamo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).