11.8 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga oo ka hadlay Xaaladda Ammaan darro ee magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, March 07, 2007(HOL): Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere iyo Wasiirka ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle ayaa ka hadlay xaaladda ammaan darro ee ka jirta Magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen in ay dowladda si dhaqsi ah wax uga qaban doonto amni darrada jirta.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa mar uu ka hadlayay dilal beryahan lala beegsanayay dad rayid ah oo ay xitaa ku jireen kuwo la shaqeeya Dowladda Federaalka waxaa uu sheegay in ay dilalkaas ka dambeeyaan sida uu yiri kooxihii masjidyada dadka ku dili jiray, wuxuuna caddeeyay in aaney dowladda sii eegan doonin oo laga daba tegi doono kooxahaas.

 

Sidoo kale wuxuu ka hadlay madaafiic shalay lagu weeraray garoonka Diyaaradaha Muqdisho xili ay ka socotay xaflad lagu soo dhaweynayay Ciidamo ka socday Dowladda Uganda ayaa wuxuu sheegay in ay madaafiicdaas ka dambeeyeen kooxaha dadka dila, kuwaasi oo uu sheegay in ay dhibeyso nabad iyo xasilooni lagu soo dabaalo dalka Soomaaliya.

 

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle ayaa isaguna sheegay in ay gebo-gebo marayaan qorshayaal ay Dowladda Federaalka ugu talagashay in ay ammaanka ku sugto, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay dadka Muqdisho dhawaan ku naaloon doonaan nabadgelyo la isku haleyn karo.

 

Salaad Cali Jeelle waxaa uu ka hadlay Suuqyada hubka lagu iibiyo ee magaalada Muqdisho ku yaala, wuxuuna caddeeyay in aan ammaankeeda lagu sugi karin magaalo hub lagu dhex iibiyo, sidaasi darteedna wuxuu farta ku fiiqay in ay dowladda tallaabo ka qaadi doonto suuqyada hubka lagu iibiyo ee Magaalada Muqdisho ku yaala.

 

Muqdisho xaaladdeeda ammaan ma ahan mid la isku haleyn karo, waxaana mar kasta ka dhaca dilal loo geysanayo dad rayid ah oo aan waxba galabsan, iyadoo ay sii dheer yihiin weerarrada lala beegsanayo xarumaha iyo fariisimada Mas’uuliyiinta iyo Ciidamada Dowladda Federaalka, ilaa iyo haatanna ma muuqato wax tallaabo ah oo ay Dowladda ka qaadeyso kooxaha ka dambeeya falalka nabadgelyo darrada ah, marka laga reebo in ay mar kasta ballanqaadyo amni sugid ah bixiso.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).