11.8 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Madaafiic lagu weeraray garoonka diyaaradaha Muqdisho wax yar kadib markii ay ka soo degeen Ciidamo ka socday Dowladda Uganda

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, March 06, 2007(HOL): Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa maanta lagu weeraray madaafiicda hoobiyaha loo yaqaano xili ay halkaasi ka degayeen Ciidamo ka socday Dowladda Uganda oo Magaalada Muqdisho u tegay in ay howlgallo nabad ilaalin ah ka sameeyaan.

 

Ilaa lix madfac ayaa waxay ku dhaceen garoonka Diyaaradaha Muqdisho, gaar ahaan qeybta Ciidamada ee Afisyooni, lamana soo sheegin ilaa iyo haatan wax khasaare ah oo ay Madaafiicdaas geysteen.

 

Madaafiicda Garoonka lagu tuuray ayaa waxay ku soo beegmeen xili ay gebo gebo sii mareysay xaflad lagu soo dhaweynayay Cutubyadii ugu horeeyay oo ka socda dowladda Uganda, kuwaasi oo qeyb ka ah Ciidamada Nabad ilaalinta ah ee uu Midowga Afrika u dirayo Dalka Soomaaliya.

 

Markii ay Madaafiicdaas garoonka ku dhaceen kadib ayaa waxaa garoonka ku kala dareeray mas’uuliyiintii iyo Ciidamadii ka socday Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo kuwa Uganda ee saakay cagaha dhigay magaalada Muqdisho.

 

Waddooyinka gala garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo xaafadaha u dhow ayaa saakay lagu daadiyay ciidamo tiro badan oo ammaanka sugayay, kuwaasi oo dadka iyo gaadiidka ka hor istaagayay in ay garoonka dhinaciisa u dhaqaaqaan, hayeeshee waxaa muuqata in uu jiray dayac ku saabsan in aysan Ciidamada Dowladda Federaalka koontaroolin deegaanada laga soo weerari karo halka ay xafladda ka dhaceysay ee Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

 

Dhanka kalena, Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowladda Federaalka ah ee degan xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho ayaa iyagoo baaritaanno ka sameynayay xaafado ku dhow Wasaaradda Gaashaandhigga waxaa weerar ku dhufo oo ka dhaqaaqa ah ku qaaday Kooxo hubeysan oo markii ay rasaaseeyeen kadib iska tegay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).