11.8 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho oo maanta dib u howl-bilaabaya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, March 06, 2007(HOL): Munaasabad shalay lagu qabtay Xarunta Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho ayaa looga dhawaaqay in xabsigu uu maanta dib u howl bilaabayo, iyadoo munaasabaddaas ay ka soo qeybgaleen Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jen. C/llaahi Macallin, ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho ee arrimaha Bulshada iyo Howlaha Guud C/qaadir Suufi Golf, wakiil ka socday Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa iyo mas’uuliyiin kale.

 

Xabsiga Dhexe ee Muqdisho oo la dhisay muddo aad u fog ayay dib u dayactireen maxkamadihii Islaamiga ahaa ee gacanta ku hayay Magaalada Muqdisho iyo gobollo kale oo ku yaala Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya intii aan laga awood roonaan, isagoo u qeybsan dhowr qeybood.

 

Mas’uuliyiin u hadlay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay diyaar yihiin qeybaha Xabsiga, uuna qaabilayo eedeysanayaasha lagu soo xirayo.

 

Munaasabaddii lagu furayay Xabsiga dhexe ayaa waxaa ka hadlay nin ka socday UN-ka, qeybteeda Xabsiyada, kaasi oo sheegay in marka dadka Soomaaliyeed wax qabsadaan ay wax la qaban karaan.

 

Dib u howlgelinta Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo amni darro baahsan ay ka jirto magaalada Muqdisho, kuwaasi oo isugu jira weerarro lala beegsanayo fariisimada Dowladda, saraakiisha Ciidamada iyo weliba cid kasta oo lagu tuhmo in ay dowladda la shaqeyso, iyadoo shalayna magaalada Muqdisho lagu daadiyay Warqado lagu sheegayay in aan guryo laga kireyn karin dadka u shaqeeya Dowladda Federaalka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).