13.6 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay arrimaha Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, March 06, 2007(HOL): Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa  Wareysi uu siiyay Wakaaladda Wararka AP waxaa uu ku sheegay in uusan hagaagsaneyn ammaanka Gobolka Geeska Afrika, xitaa haddii la wiiqay awooddii maxkamadihii Islaamka ee lagu eedeynayay in ay xiriir la leeyihiin Ururka Al-Qaacidda.

 

Madaxweynaha Jabuuti waxaa uu sheegay in uusan ammaanka Gobolka waxba dhaamin sidii uu horay u ahaa, wuxuuna caddeeyay in ay amni darrada jirta ay sababayaan duruufo heysta dadka gobolka ku dhaqan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin iyadoo aaney dadka ku nool Gobolka aysan badankood heysan adeegyada aas-aasiga u ah nolosha Bani’aadamka, sababtaas darteed ayuuna sheegay in ay dad gobolka ku nool ay dembiyo u geysanayaan.

 

90 milyan oo ruux oo ku nool dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Ereteraya iyo Jabuuti ayuu sheegay madaxweyne Geelle in ay ku nool yihiin oo ay quutaan maalintii wax ka yar hal doollar, wuxuuna taasi ku tilmaamay xaalad bani’aadannimo oo aad u daran.

 

Madaxweyne Geelle mar wax laga weydiiyay in dad Al-Qaacidda ka tirsan lagu arkay Soomaaliya waxaa uu sheegay in aan weli Soomaaliya lagu arkin Dad ka tirsan Al-Qaacidda oo hub casri ah wata, wuxuuna sheegay in ay wararkaasi shaaciyeen sida uu u yiri Dowladda Federaalka iyo Dowladda Itoobiya oo dagaal kula jiray xoogaggii Maxkamadihii Islaamka.

 

Dowladda Jabuuti oo uu horay u gumeysan jiray Faransiiska ayaa sanadkii 2000 waxay dalkeeda ku martigelisay shirweyne dib u heshiisiineed oo xal loogu raadinayay mushkiladda qaan-gaartay ee dalka Soomaaliya ka taagan, kaasi oo ay ka soo baxday Dowladdii TNG-da ee uu madaxweynaha ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan, inkastoo dowladdaasi uu waqtigeedii dhamaaday iyadoo aan dadka iyo dalka  wax la taaban karo u qaban.

 

Hayeeshee sanadkii 2004 ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa lagu soo dhidbay dowladda haatan ka jirta Dalka Soomaaliya ee TFG, taasina oo haatan dooneysa in ay awooddeeda ku baahiso dalka Soomaaliya iyadoo adeegsaneysa Ciidamo shisheeye.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).