Talaado, March 06, 2007(HOL): Labo diyaaradood oo mid ka mid ah ay waday Gawaarida Gaashaaman ee Ciidamada
Labo Taangi oo lagu sheegay in ay yihiin kuwo aaney rasastu karin oo ay saaran yihiin dhowr toban askari oo ka tirsan Ciidamada ay
Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo ciidamadan ay ka soo degayaan ayaa waxaa haatan ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Dhexe ee Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir, Saaraakiil Ciidan oo ka kala socda Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Uganda, iyo Hogaamiye kooxeedyadii hore.
Mas’uuliyiinta garoonka ku sugan ee ka qeyb-qaadanaya soo dhaweynta Ciidamada Uganda waxaa ka mid ah Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle, Jen. Levi oo ah Sarkaalka ugu sareeya Ciidamada
Ilaa iyo haatan lama shaacin inta ay tiro la egyihin ciidamada Uganda ka socda ee maanta imaanaya dalka Soomaaliya caasimaddiisa Muqdisho, hayeeshee waxaa soo bilaabatay daad-gureyntooda, iyadoo ay xusid mudan tahay in Qalabka culus ee Ciidamadan ay dhinaca Dekedda Muqdisho ka soo degayaan.
Ammaanka Waddooyinka gala garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana loo diiday dadweynuhu in ay u dhawaadaan garoonka oo tan iyo markii ay la wareegtay Dowladda Federaalka noqday mid aad u mashquulsan.
Wixii ku soo kordha Ciidamada
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online