Isniin,
Xaafadda Taleex ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu dilay nin rayid ah iyo Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wada socday, iyadoo dilka labadaas ruuxna ay ka dambeeyeen kooxo hubeysan oo watay gaari Mark II ah, kuwaasi oo aan heybtooda la aqoonsan.
Labadan nin ee la dilay oo lagu kala magacaabi jiray Col. Maxamed Aadan Bocorey iyo Maxamed Xaaji Cali Baashi ayaa la dilay iyagoo lugeynayay Xaafadda Taleex ee magaalada Muqdisho, waxaana dilka labadan nin xaqiijiyay Guddoomiyaha Xarunta Nabadda iyo Xuquuqda Aadanah ee Elman Inj. Suudaan Cali Axmed oo sheegay in uu aad uga xumaaday dilka loo geystay labadaas nin oo uu sheegay in uu yaqaanay.
Sidoo kalena Darawal Wade ka ahaa mid ka mid ah gaadiidka BL-ka ah ee ka shaqeeya wadada 30ka ayaa geeriyooday kadib markii ay is-rasaaseyn dhexmartay kooxo doonayay in ay dhac u geystaan Gaadiidka BL-ka ah ee ka shaqeeya Isgoysyada Cali Kamiin iyo Km4 iyo milkilayaashii Gaadiidkaas.
Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii aynu ka soo gudubnay waxaa ka dhacayay falal dil ah oo lala beegsanayay dadka la shaqeeya Dowladda Federaalka, iyadoo aan ilaa iyo haatanna la ogeyn sababta ay kooxaha dilka geysta ay naftooda u dhaafsiinayaan dadka ay dilaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online