13.6 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Dib u heshiisiinta ay Dowladda Federaalka ku baaqday ma waxaa la oran karaa waa mid Beesha Caalamka lagu qancinayo mise waa mid xal loogu raadinayo Umadda Soomaaliyeed

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, March 05, 2007(HOL): Marka dhab ahaan la eego Xaalada soomaaliya xiligan waa mid mareysa  heer wax walba la filan karo, lakiin hadana arimaha oo dhan waxaa ay ku soo biyo shubanayaan oo ay ku xiran yihiin sida mar walba dowladu wax u mareyso.

 

Sidaas oo ay tahay ayaa dhawaan waxaa uu Madaxweynaha dowlada federaalka C/laahi Yuusuf Axmed  uu ku dhawaaqay in dowladu qabanayso  shir dib u hishiisiin ah oo sida uu sheegay ay ka soo qeyb-galayaan in ka badan 3000 oo Ergo ah kana kala socta dhamaan beelaha soomaalida,  waxaana uu Madaxweynuhu intaa ku daray in shirkaa uusan noqon doonin mid looga qeyb-galayo Qaab urur Siyaasadeed  lakiin kaliya loo furayo  Wax-garadka iyo odayaasha Beelaha soomaalida,

 

Marka aad eegto baaqa ka soo yeeray Madaxweynaha ee ah in shirkaasi la qabto ayaa xusid mudan in dib loo milicsado  halka arimuhu iska diidi karaa iyo waliba sida xiligan soomaalidu u kala taagan tahay,  dacan ma xuma in Ergo  ka badan 3000 oo soomaali ah ay ku shiraan gudaha dalka soomaaliya  lakiin su’aasha is weydiinta mudan waxaa ay tahay soo ma haboona si loo helo xal waara oo soo afjara sanadihii dheeraa ee colaada in  Ergadaa tirada badan ay ka dhax muuqdaan shaqsiyaad ama kooxo wali  shacabku tuhusan yahay in qeyb ku leeyihiin mashaqada wali taagan, sida mas’uuliyiintii maxkamadaha ee laga itaal roonaaday oo mar marka qaar dowladu ku eedeyso in ay ku lug leeyihiin  dhibaatada ka taagan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

 

In lagu soo biiriyo shirka dowladu ku baaqday Mas’uuliyiintii maxkamadaha ayaa waxaa ay tahay laftirkeeda xaajo culuskeeda watada marka labo dhan laga eego, ugu horeyn  ma aqbalayaan Mas’uuliyiintii hore ee Maxkamadaha in ay ka soo qeyb-galaan shir ay soo qaban qaabisay dowlada federaalka, hadiise ay iyagu ogolaadaan dowladu ma aqbaleysaa in ay soo dhaweyso dhamaan Mas’uuyiintii maxkamadaha iyada oo aan loo eegin  Qunyar socod iyo xaqjir midna, dabcan labada dhanba jawaabta ugu fudud ee la filan karo waa maya.

 

Sidaa daraadeed shirka hada la doonayo in la qabto sida weyna loo hadal hayo ayaa waxaa la oran karaa waa mid micno badan yeelan kara,  mar waxaa la oran karaa Mas’uuliyiinta sar sare ee dowlada federaalka waxaa ay la kulmeen cadaadis kaga yimid dhinaca beesha caalamka  oo ah in dowladu qabto shir  dib u hishiisiin ah,  gaar ahaan midowga Yurub oo xitaa dhaqaalihii  uu bixin lahaa ku xiray shirkaa isaga ah,  waana tan soo dadajisay in markiiba dowladu ku baaqdo shirkaa isga ah.

 

Marka lakiin dhanka kale laga eego waa arin iyana lagu farxi karo in  shirku noqdo mid beeluhu isku samaxaan maadaama aynu wada ognahay  16kii sano ee la soo dhaafay in soomaalidu beelo isku dishay,  waxaa jirta oraah dhaheysa   ( Sidee xeero  lagu xagtaa Ilkana ku nabad galaan ) oo macneheedu noqonayo  dowladu in ay dooneyso in shirku noqdo mid beesha caalamka raali galiya, xalna u keena umada soomaaliyeed  iyada oo islamarkaana aan arinka lagu soo darin shaqsiyaadka dowladu u aragto aysan mudneyn ka qeyb-galka shirkaa la qaban qaabinayo.

 

Si kastaba arintu ha ahaatee  waxaa marnaba aan habooneyn in layska idho tiro xaqiiqda jirta iyada oo meelo kale wax laga eegayo,   maxaa yeelay  dowlada federaalku waa mid qaab sharci ah ku dhisan islamarkaana waqitgan la joogo mas’uul ka ah dhamaan  umadda soomaaliyeed taasoo qasab ka dhigeysa in loo hogaasamo  rabitaankeeda  waa hadii uu yahay rabitaan ku dhasan maslaxada umada soomaaliyeed sida shirka hada la qaban qaabinayo oo kale,   dhanka kalana dowlada laftirkeena waxaan uu xil ka saaran yahay in mar walba ay xooga saarto cid kasta oo wax tabaneysa hadii uu ahaan lahaayeen shaqsiyaad, ururo, iyo waliba xitaa kooxo  siyaasadeed oo isbaheystay,  si markaa meesha looga saaro shaki laga muujiyo  hab maamulka dowlada.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).