Isniin, March 05, 2007(HOL): Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya oo tan iyo markii ay Dowladda Federaalka soo gaartay Magaalada Muqdisho ka cabanayay qalab iyo gaadiid la’aan heysata ayaa haatan helay qalabkii ay ku howlgeli lahaayeen.
Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Cali Saciid Shiikh Xasan ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay heleen qalabkii ay ku howlgeli lahaayeen, wuxuuna caddeeyay in qalabkaas dhawaan loo qeybin doono Ciidamada Booliska, kadibna ay bilaabi doonaan howlgallo ammaanka lagu sugayo.
Qalabka Ciidamada Booliska soo gaaray ayaa waxaa ka mid ah Gaadiidka u gaarka ah Ciidamada Booliska iyo weliba qalab kale oo ay ka mid yihiin isgaarsiintii ay iskula hadli lahaayeen.
Qalabkan soo gaaray Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo qaar ka mid ah saldhigyada Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir weerarro loo geystay, isla markaana ay saraakiil ku sugan Saldhigyadaas ay sheegeen in ay iska caabin waayeen kooxihii soo weeraray sabab la xiriirta in aysan heysan gaadiidkii ay ku ceyrsan lahaayeen kooxihii soo weeraray.
Sida uu sheegay Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Cali Saciid Shiikh Xasan Ciidamada Booliska ayaa marka qalabkaas loo qeybiyay la geyn doono Isgoysyada iyo guud ahaan Saldhigyada Gobolka Banaadir si ay wax uga qabtaan xaaladda ammaan darro ee ka jirta Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online