Isniin, March 05, 2007(HOL): Maalintii shalay ahayd ayaa waxaa magaalada Muqdiso mar kale soo gaaray wafdi ka socday Midowga Afrika oo isugu jira Saraakiil dhinaca Ciidamada ah iyo Diblumaasiyiin.
Wafdigan oo uu horkacayay Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan dalka Soomaaliya Mr. Maxamed Cali Foam ayaa waxaa ujeedada socdaalkooda lagu sheegay in ay u sii gogol xaarayaan Ciidamo ka socda Dowladda
Xubnaha Wafdigan ayaa la filayaa in ay maanta kulan la qaataan Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasi oo ay kala hadli doonaan sidii Ciidamada
Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa shalay waxaa ka soo degtay intii aysan wafdigaasi imaanin diyaarad weyn oo la sheegay in ay waday sahayda ay isticmaalayaan Ciidamada ku soo fool leh Magaalada Muqdisho.
Inkastoo Saraakiisha Ciidamada Uganda ay ka gaabsanayaan in ay sheegayaan xiliga ay Ciidamadooda ku soo wajahan yihiin Dalka Soomaaliya ayaa hadana waxaa la sheegayaa in ay Muqdisho ku soo wajahan yihiin Qalabka Ciidamada Uganda, iyadoo marka uu qalabkaas Muqdisho ku soo dhawaadana la soo bilaabi doono Daad-gureynta Ciidamada oo diyaarado loo adeegsan doono.
Ciidamada ka socda Uganda oo kor u dhaafaya 1,500 oo Askari ayaa wuxuu imaatinkooda dalka Soomaaliya ku soo beegmayaa iyadoo Ciidamo ka socda Dowladda Itoobiya oo gacan siinaya Dowladda Federaalka ay weerarro kala kulmayaan kooxo ka soo horjeeda joogitaankooda dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online