Axad, March 04, 2007(HOL): Dalka Masar, gaar ahaan magaalada Qaahira ayaa waxaa habeen hore ka dhacay arrin ay soomaalida degan Masar aysan horay u aqoonin oo cusub taasi oo ah in labo wiil iyo labo gabdhood oo Soomaali ah lagu soo eedeeyay in ay ku lug lahaayeen dilka nin madaxa looga jiray oo lagu magacaabi jiray Barabaale.
Saraakiisha daba gala danbiyada ayaa ku tilmaamay marxuumka geeriyooday inuu ahaa nin isagu isticlaamay waxyaabaha Maanka dooriya.ka hor intii uusan geeriyoonin, waxaana haatan meydka marxuumka lagu hayaa Isbitaal Boolisku leeyahay oo ku yaala Magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Afartan Soomaalida ee lagu soo eedeeyay dilka ninkan ayaa hada ku kala xiran laba xabsi oo loogu tala galay dumarka iyo ragga, Booliska ayaana baaris ku haya kiiskan dilka ah ee loo heysto Afartan Ruux ee Soomaalida ah.
Wargeysyada ka soo baxa magaalada Qaahira ayaa dhacdada soo hadal qaaday, waxayna noqotay arrin fajaciso ku noqotay Soomaalida ku dhaqan Dalka Masar, gaar ahaan Caasimaddiisa Qaahira.
Abdirizak A.Kaneec