Jimco, March 30, 2007(HOL): Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon ayaa walaac ka muujiyay xaaladda ay ku sugan tahay magaalada Muqdisho iyo dagaalladii ka dhacayay maalmihii aynu soo dhaafnay.
Warbixin uu soo saaray Afhayeen u hadlay Ban Ki-moon ayaa lagu sheegay in uu Xoghayaha si weyn uga walaacsan yahay colaadaha ka soo cusboonaaday magaalada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in dagaalka dib u soo cusboonaaday uu sii fogeynayo rajadii laga qabay in nabad lagu soo dabaalo Soomaaliya.
Dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Muqdisho ayuu Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ugu baaqay in ay dagaalka joojiyaan, isla markaana ay khilaafaadka u dhaxeeya wada hadal ku xaliyaan.
Dagaalka ka socda Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu u dhaxeeyaa Dowladda Federaalka oo kaashaneysa Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxo ka soo horjeeda oo la sheego in ay isugu jiraan kuwo ka haray Maxkamadihii Islaamka iyo kuwo kale ka soo jeeda Beelo ka mid ah Beesha Hawiye.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegeysaa in ay dagaal kala soo horjeedaan kooxo yar oo nabad-diidayaal ah, kuwaasi oo ay si dhaqsi ah uga takhalusi doonto, waa sida uu sheegay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo wareysi siiyay Idaacadda BBC-da iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere oo isna u waramayay Idaacadaha Magaalada Muqdisho, hayeeshee waxaa muuqata in Ciidamadii Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaankaba ay la kulmayaan iska caabin uga imaaneysa dhinaca Kooxaha ka soo horjeeda.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, dagaalka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa waxay dhibaatada ugu daran ka soo gaareysaa dad rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaasi oo guryahooda ay ugu tegayaan madaafiic iyo rasaas habow ah oo aan loo meel dayin, sidaas darteedna waxaa la gudboon dhinacyada dagaalamaya in ay u turaan dadka maatida ah ee ay ku dul dagaalamayaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






