9.7 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Dekedda Muqdisho oo Maraakiib iyo Doomo ay ku xiran yihiin xili agagaaraheeda Madaafiic lagu garaacayo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, March 03, 2007(HOL): Dekedda weyn ee Magaalada Mudisho ayaa si caadi ah u wadata howlaheeda shaqo tan iyo markii ay dib u howlgeliyeen Maxkamadihii Islamaaka, walow muddooyinkan dambe ay kooxo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ay madaafiic la beegsanayeen.

 

Dekedda waxaa haatan ku xiran 4 Markab iyo 3 Doomood oo badeecooyin kala duwan sida, kuwaasi ka kala yimid dalalka Cumaan, Kenya, Brazil iyo Imaaraadka Carabta.

 

Rarka ay sidaan Maraakiibtan iyo Doomahan ayaa la sheegay in ay isugu jiraan Bagaash, Raashin iyo Gaadiid noocyo kala duwan leh, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Maraakiibta qaarkood ay wadaan Gaadiid loogu deeqay Booliska Soomaaliyeed.

 

Maalintii shalay ahayd oo ugu dambeysay ayaa madaafiic lala damacsanaa Dekedda weyn ee Muqdisho waxay ku dhaceen xaafado ka tirsan Degmada Xamar Ja-jab, iyadoo halkaasina ay ku dhaawacmeen dad rayid ahaa oo ku sugnaa guryahooda iyo goobahooda ganacsiga.

 

Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali Cadde ayaa cambaareeyay kooxihii ka dambeeyay Madaafiicdii lagu tuuray Xaafadaha ka tirsan Degmada Xamar Ja-jab ee u dhow Dekedda weyn ee Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay wax laga xumaado ahayd in maalin Jimco ah, weliba xili ay dadku masjidyada ku jiraan madaafiic lagu garaaco.

 

Dadka Madaafiic ku tuuraya Dekedda iyo goobaha kale ee ilaha dhaqaalaha u ah Gobolka Banaadir iyo guud ahaan Dalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay in aysan iska baabi’in hantida ay leeyihiin, wuxuuna caddeeyay in aan wax faa’iido ah laga heleynin in Madaafiic lagu garaaco Dekedda Muqdisho in ay dadka cunaqabateyn ka soo gaarto mooyee.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).