Sabti, March 03, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Itoobiya Mr. Girma Wolde-Giorgis ayaa sheegay in Ciidamada dalkiisa ee faragelinta ku sameeyay Dalka Soomaaliya ay nabad keenaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Dowladda Federaalka looga baahan yahay in ay nabaddaas sii adkeyso.
Madaxweynaha Itoobiya waxaa uu sheegay in dalka Soomaaliya oo muddo dheer dowlad la’aan soo ahaa uu haatan heysto fursad ah in sharcigii iyo kala dambeyntii loo soo celiyo, si ay taasi u taaba-gashana wuxuu talo ku bixiyay in ay Dowladda Federaalka ay sameyso dib-u-heshiisiin iyo wada hadallo lagu qeybsanayo talada dalka, iyadoo dowladdana ay la hadleyso wax uu ugu yeeray dagaalyahanadii hore, qabqablayaashii dagaalka iyo cid kasta oo muhiim u ah in wada hadallo lala yeesho.
“Haddii sidaas la sameeyo nabad ayaa deg deg lagu helayaa, haddii aanse la yeelin sidaas oo aan dib u heshiisiin iyo awood qeybsi wax lagu raadin xasilooni uma keeni karaan Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweynaha Itoobiya Mr. Girma Wolde-Giorgis oo hadalkiisan uu ku socday Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Itoobiya waxaa uu ka hadlay Ciidamada dalkiisa ee jooga Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay Ciidamadaas sii joogi doonaan Soomaaliya tan iyo inta ay Ciidamada Midowga Afrika ka imaanayaan. Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa horay u sheegay in ay Ciidamada dalkiisa seddex meelood hal meel ay ka baxeen Soomaaliya, inta hartayna ay ka bixi doonaan marka ay Soomaaliya gaaraan Ciidamada Midowga Afrika laga sugayo.
Baaqan uu Madaxweynaha Itoobiya u jeediyay Dowladda Federaalka ayaa ku soo beegmaya iyadoo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed uu shaaciyay in 16-ka bisha April ee soo socota lagu qabanayo magaalada Muqdisho shir dib u heshiisiineed oo ay ka qeybgelayaan 3000 oo ergay, kaasi oo ay gar-wadeen ka noqon doonaan Dad dhexdhexaad ah oo sumcad ku dhex leh Bulshada Soomaaliyeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online