9.7 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Taangiyada iyo Qalabka Ciidamada Uganda ee Soomaaliya loo dirayo oo la bilaabay in Tariinno lagu daadgureeyo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, March 03, 2007(HOL): Waxaa bilaabatay maalintii shalay ahayd daad-gureynta Taangiyada iyo Qalabka Mileteri ee ay ku howlgelayaan Ciidamada ka socda Dowladda Uganda ee loo soo dirayo Soomaaliya.

 

Tariinno isku xira Magaalooyinka Kampala iyo Mombasa ayaa waxay bilaabeen inay daabulaan qalabka Ciidamada Uganda, wuxuuna Capt. Paddy Ankunda oo u hadlay Ciidamada Uganda uu sheegay in marka ay Qalabka Ciidamada gaaraan Soomaaliya ay bilaabaneyso Daadgureynta Ciidamada oo diyaarado loo adeegsan doono.

 

Uganda ayaa Soomaaliya u direysa 1,605 oo askari, kuwaasi oo qeyb ka ah Ciidamo 8,000 oo askari gaaraya oo Dalalka Midowga Afrika ay sheegeen in ay Soomaaliya u diraan, si loo soo celiyo xasiloonidii ka jiri jirtay 16 sano ka hor.

 

Dhanka kalena, Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay dhinaca Qalabka mileteriga ka caawin doonto Dowladda Burundi oo horay u sheegtay in ay 1,700 oo Askari ay u direyso Soomaaliya.

 

Hadalkan ka soo baxay Dowladda Mareykanka ayaa wuxuu yimid kadib markii ay magaalada Bujumbura ee dalka Burundi ay wada hadal ku yeesheen Wasiirka Gaashaandhigga Burundi Lieutenant-General Germain Niyoyankana iyo Sarkaal sare oo ka socday Mileteriga Mareykanka oo lagu magacaabo General William E. Ward.

 

General William E. Ward waxaa uu sheegay in ay Dowladda Mareykanka intii karaankeeda ah ka caawin doonto dhinaca Mileteriga Dowladda Burundi,, wuxuuna intaas ku daray in ay Burundi kaalin mug leh ku leedahay nabad ku soo dabaalidda wadamada xasaradaha ka jiraan ee gobolka ku yaala.

 

Ugu dambeyntiina, Dowladaha Nigeria, Ghana iyo Malawi ayaa iyaguna la filayaa in ay ciidamo u diraan Soomaaliya, iyadoo ay Dowladda Nigeria ay caddeysay in ay Soomaaliya u direyso 850 Askari.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).