Khamiis, March 29, 2007(HOL): Odayaal ka soo jeeda Beesha Hawiye oo u badan kuwo ka soo horjeeda qaabka ay Dowladda Federaalka wax u waddo iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya ayaa waxay gunaanadkii shirkooda soo saareen baaq dhowr qodob ka kooban, kaasi oo ay u kala direen Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta iyo Dowladda Mareykanka.
Odayaasha shirka isugu yimid ayaa qodobadii ay soo saareen waxaa ka mid ahaa in Dadka Muqdisho xasuuqa laga joojiyo, in Qaramada Midoobay iyo Jaamacadda Carabta ay wafdi xaqiiqo raadin ah u soo diraan waxa ka dhacaya Magaalada Muqdisho, In Dowaldda Mareykanka ay joojiso gacan siinta Dowladda Itoobiya ee faragelinta ay ku heyso dalka Soomaaliya iyo in Shacabka Soomaaliyeed ay u midoobaan dib u xoreynta Dalkooda kadib muddo dhowr iyo afartan sano ah oo uu xor ahaa.
C/llaahi Shiikh Xasan oo ka mid ah Siyaasiyiintii shirkaas ka qeybgalay ayaa saxaafadda u sheegay in ay Odayaashooda isku af-garteen in ay Adduunka u sheegaan waxa ay Dowladda Itoobiya ku heyso dalka Soomaaliya.
C/llaahi Shiikh Xasan waxaa uu sheegay in ay awood u leeyihiin ay dhinacooda xabadda joojiyaan, waase haddii uu yiri ay ka joogsaneyso dhinaca Itoobiyaanka, wuxuuna caddeeyay in ay iyagu horay u joojiyeen balse ay Itoobiyaanku jebiyeen xabad joojin ay labada dhinac ku heshiiyeen.
Nabaddoon Axmed Diiriye Cali ayaa isna sheegay in ay Itoobiyaanka uga baxeen heshiis ay la galeen, isla markaana ay ku soo qaadeen dagaal xasuuq ah oo cir iyo dhul ah, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay beesha Caalamka u sheegayaan in ay soo farageliyaan waxa ka dhacaya Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Nabaddoonka waxaa uu sheegay in uu xalka dagaalladan ku imaan karo in ay Ciidamada Itoobiyaanka isaga baxaan Dalka Soomaaliya, sidoo kalena uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf dib u celiyo Ciidamo Puntland oo uu ka keenay deegaanada Puntland waa sida uu hadalka u dhigaye.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






