4.7 C
London
Sunday, October 26, 2025

Diyaarado Helicopters ah oo duqeeyay Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, March 29, 2007(HOL): Diyaarado Helicopters ah oo joog hoose ku socda ayaa duqeeyay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo duqeyntaasna ay waxyeello ka soo gaartay dad rayid ah oo guryahooda iska joogay.

 

Diyaaradahan oo aan la ogeyn in ay yihiin kuwii ay adeegsanayeen Ciidamada Midowga Afrika iyo in ay yihiin kuwo ay leeyihiin Ciidamada Itoobiya ayaa markii ay duqeynta bilaabeen waxay si weyn u qal qal geliyeen dad ku sugan xaafado ka mid ah Degmooyinka Hodan iyo Howl-wadaag, kuwaasi oo ay agagaarahooda ku soo dhaceen madaafiic ay soo ganeen diyaaradahaas.

 

Ilaa iyo haatan si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha ay geysteen madaafiicda ay rideen diyaaradahaas, waxaase la hubaa in halkii ay ku dhaceen oo magaalada dhexdeeda ah ay dad ku sugnaayeen.

 

Duqeynta diyaaradahan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo saakay aroortii ay Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah ay gudaha u galeen xaafado ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyagoo la wareegay Isgoysyo ay horay ugu sugnaan jireen Kooxaha ka soo horjeeda Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-Dheere oo ka hadlay Taangiyada Itoobiyaanka ee gudaha u galay Magaalada Muqdisho iyo diyaaradaha lagu soo kiciyay ayaa wuxuu sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ay yihiin kuwo gacan siinaya Dowladda Federaalka, isla markaana la dagaalamaya kooxo nabadda diidan oo Dowladda ka soo horjeeda.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Diyaaradahan Helicopters-ka ah ee duqeynta geystay ayaa waxay dadka Muqdisho dib u soo xusuusiyeen xiligii ay Magaalada Muqdisho ka howlgelayeen Ciidamadii US/UNOSOM oo adeegsanayay Diyaarado Helicopters ah iyo Taangiyo, inkastoo Ciidamadaas ay maaro u waayeen Xooggagii ka amar qaadanayay Jen. Caydiid ee ay dagaalka iskala soo horjeedeen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).