Khamiis, March 29, 2007(HOL): Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Magaalada Muqdisho ku dhexmaraya Ciidamada Dowladda Itoobiya oo adeegsanaya Taangiyo iyo diyaaradaha Helicopters-ka iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Dagaalkan ayaa la sheegay in ay ku naf waayeen dad shan ruux ka badan oo rayid ahaa, kuwaasi oo guryahooda ay ugu tageen madaafiic habow ah, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oo intaas ka badan.
Dadka Muqdisho ayaa maanta ku jira xaalad argagax leh kadib markii ay saakay soo tooseen iyadoo ay Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin Taangiyo iyo Ciidamo Itoobiyaan ah, iyadoo dadku ay mar kale sii anfariireen markii ay Ciidamada Itoobiyaanka bilaabeen in ay adeegsadaan madaafiic waa weyn oo aysan dadku waxyeeladooda iska daaye aysan maqalkooda u adkeysan karin.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa saakay la wareegay Isgoysyada Shiirkole, Ifka Xalan, Cali Kamiin, Towfiiq iyo Xarar-yaale, waxaana halkaasi lagu arkayaa Ciidamo iyo Taangiyo tiro badan, iyadoo la sheegayo in ay Ciidamada Itoobiyaanku doonayaan in ay la wareegaan goobo kale oo ka tirsan Magaalada Muqdisho.
Haatan waxaa dagaalka ku soo biiray oo ka qeybgelaya diyaarado Helicopters ah oo aan la kala ogeyn in ay yihiin kuwo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika ama kuwo ka soo duulay Maraakiibta Mareykanka ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya. Xaafado ka tirsan Degmooyinka Hodan ayaa la arkayay iyadoo ay diyaarado Helicopters ah dul heehaabayaan, isla markaana ay gantaallo ku ridayaan.
Kala soco Hiiraan Online wixii ku soo kordha Dagaalka ka socda Magaalada Muqdisho
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






