6 C
London
Sunday, October 26, 2025

Ciidamo iyo Taangiyo Itoobiyaan ah oo saakay la wareegay gacan ku heynta xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, March 29, 2007(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan Taangiyo ayaa saakay waaberigii waxay ku yaaceen xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaalada Muqdisho, waxaana waddooyinka qaarkood lagu arkayay Ciidamo Itoobiyaan ah oo lugeynaya iyo Taangiyo la socda.

 

Xaafadda Cali Kamiin ee degmada Wardhiigley iyo xaafado kale oo u dhow Wasaaraddii Gaashaandhigga ayay Ciidamadan kala kulmeen iska caabin uga imaaneysay kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, hayeeshee ilaa iyo haatan nama soo gaarin wax khasaare ah oo labada dhinac soo kala gaaray.

 

Dhinaca Wasaaraddii Gaashaandhigga oo ay ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa la soo sheegayaa in ay saakay halkaas ka soo dhaqaaqeen ciidamadii ku sugnaa, isla markaana ay la wareegeen gacan ku heynta Isgoysyada Shiirkole, Ifka Xalan iyo Towfiiq, iyadoo waddooyinkaasna lagu arkayo Ciidamo iyo Taangiyo Itoobiyaan ah.

 

Isu socodka gaadiidka iyo dadka ayaa hakad galay saakay, mana jiraan wax gaadiid ah oo ku socda waddooyinka Warshadaha, Sodonka iyo Wadanka, dadkuna cagtooda ayay maalayaan oo waa ay u lugeynayaan goobahooda ganacsiga iyo guryahooda.

 

Howlgalka ay saakay Ciidamada Itoobiyaanka ah ka bilaabeen Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan uu natiijo la’aan ku dhamaaday kulan ay Muqdisho ku yeesheen Odayaal ka tirsan Beesha Hawiye iyo Saraakiil Itoobiyaan ah, iyadoo Odayaasha ka socday Beesha Hawiye ay Itoobiyaanka u sheegeen in ay doonayaan in ay dalka isaga baxaan, halka ay Saraakiisha Itoobiyaankana ay sheegeen in ay doonayaan in ay magaalada ka howlgalaan oo ay guryahana baaraan.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, saakay xaaladda Magaalada Muqdisho waa mid ka duwan sidii ay ahaan jirtay, magaaladana waxaa lagu soo yaaciyay Ciidamo Itoobiyaan ah oo tiro badan oo ku hubeysan Taangiyo iyo hub kale oo aad u culus.

 

Wixii ku soo kordha xaaladda Magaalada Muqdisho haddi Alle idmo kala soco Hiiraan Online

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).