6 C
London
Sunday, October 26, 2025

Seddex Nin oo uu ku jiray C/naasir Seerjito oo Muqdisho lagu dilay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, March 28, 2007(HOL): Seddex nin oo uu ku jiray C/naasir Axmed Aadan Seerjito ayaa maanta lagu dilay xaafadda Taleex ee magaalada Muqdisho, iyadoo dilkoodana ay ka dambeeyeen kooxo hubeysan oo gaari watay.

 

Lama yaqaano sababta loo dilay C/naasir Seerjito iyo labada nin ee kale ee la socotay, hayeeshee waxay dad ka dhawaa halkii lagu dilay ay sheegeen in ay dileen rag gaari watay oo kor ka ilaaleysanayay.

 

Marxuum C/naasir Seertijo oo ka mid ahaa Ciidamadii Dowladdii hore, kadib wixii ka dambeeyay burburkii Dowladdii hore waxaa uu noqday Xoghayihii Difaaca USC, garabkii Jen. Caydiid, xiligii Dowladdii Cartana wuxuu ahaa Qunsulka Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta.

 

Wuxuu ku dhashay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan sanadkii 1960-kii, wuxuuna ku soo barbaaray halkaas oo uu waxbarashadiisii aas-aasiga ahayd ku soo qaatay.

 

Sida ay sheegeen eheladiisa wuxuu marxuumka dhawaan ka soo bogsooday dhaawac loogu geystay agagaarka Folorenza ee Degmada Wardhiigley, kadib markii ay weerareen kooxo hubeysan oo doonayay in ay dilaan.

 

Guddoomiyaha Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Elman Inj. Sudaan Cali Axmed ayaa cambaareeyay dilka loo geystay marxuumiintaas, wuxuuna sheegay in dilka loo geystay uu qeyb ka yahay dilal abaabulan oo maalmahan ka dhacayay magaalada Muqdisho, isago caddeeyay in dilkaas uu ahaa mid ka dhan ah Diinta Islaamka, Xuquuqda Aadanha, Xeerarka Soomaalida iyo Baaqa Caalamiga ee la isla aqoonsan yahay oo dhigaya xoriyadda uu qof walba oo Bani’aadam ah u leeyahay in uu noolaado.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).