6 C
London
Sunday, October 26, 2025

C/llaahi Yuusuf oo kulan la qaatay Ganacsatada Gobolka Banaadir

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, March 28, 2007(HOL):  Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta kulan kula qaatay Xarunta Villa Somalia xubno ka socday  Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir.

 

Kulankan oo ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin ayay warar ku dhow sheegayaan in ay labada dhinac uga wada hadleen xaaladda Magaalada Muqdisho iyo sidii ay ganacsatada u taageeri lahaayeen Dowladda Federaalka.

 

Kulankan dhexmaray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay ganacsatada ka cabanayaan canshuur adag oo ay Dowladda Federaalka ku soo rogtay badeecooyinka ay la soo degaan iyo kuwa ay dhoofiyaan.

 

Isu imaatinka ay yeesheen Madaxweynaha iyo Ganacsatada Muqdisho ayaa wuxuu yahay midkii ugu horeeyay ee labada dhinac dhexmara tan iyo markii ay Dowladda Federaalka soo gaartay magaalada Muqdisho, isla markaana ay la wareegtay Dekedda iyo garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo ah ilo ay ganacsatadu wax ka dhoofiyaan, kana soo dejiyaan.

 

Sidoo kalena, Madaxweyne Yuusuf ayaa maalintii shalay ahayd kulan la qaatay Hoggaamiyayaashii Muqdisho, iyadoo kulankaasina ay labada dhinac uga wada hadleen nabadeynta Magaalada Muqdisho iyo qodobo kale oo ay ka mid ahaayeen in Dowladda ay qafiifiso canshuuraadka ay ku soo rogtay ganacstada, iyadoo qodobkaasina uu ahaa mid ay soo gudbiyeen Hoggaamiyayaasha Muqdisho oo cabasho ay ka soo gaartay Ganacsatada Magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).