Arbaco,
Colonel Adolphe Manirakiza oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada
Sarkaalkan waxaa uu sheegay in Ciidamada Burundi oo aad u tababaran ay yihiin kuwo khibrad u leh maareynta dagaallada iyo weerarrada ka jira dalka Soomaaliya, “Ciidamadeenu waxay khibrad u leeyihiin iska caabinta weerarrada ku dhufo oo ka dhaqaaqda ah, waxayna ciidamadeena horay ula dagaalameen kooxo mucaarad ah oo ku gambanayay guryaha dadka rayidka ah ay degan yihiin”ayuu yiri Colonel Adolphe Manirakiza.
“Wax laga wel welo ma jiraan, ciidamadeenana waxay diyaar u yihiin in ay Soomaaliya tagaan oo ay ka howlgalaan”ayuu hadalkiisa ku sii daray Korneelkan u hadlay Ciidamada Dowladda Burundi, wuxuuna intaas ku sii daray in aysan cabsi gelineynin Askar Shisheeye oo Waddooyinka Magaalada Muqdisho lagu jiiday, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay ciidamadooda arkeen il-xumo taasi ka daran.
Dowladda Burundi ayaa horay u sheegtay in ay Ciidamo tiradooda gaareyso 1,700 oo askari ay u direyso Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka noqon doona Ciidamada Midowga Afrika ee halkaas ka howlgelaya, inkastoo ay sheegtay in ay heysato caqabad dhinaca qalabka ciidamada ah.
Dowladda
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






