Arbaco,
Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa ayaa xaqiijiyay in Agaasimaha Wasiiradda Arrimaha Dibadda si KMG ah loogu dhiibay Safaaradda ay Soomaaliya ku leedahay Dalka Kenya, wuxuuna caddeeyay in sii hayaha cusub uu xilkaas sii heyn doono inta ay Dowladda Federaalka ka soo magacaabeyso Safiirkii u fadhin lahaa Kenya.
Ismaaciil Buubaa waxaa uu intaas ku daray in Safaaradda Soomaaliya ee
Wasiirka Arrimaha Dibadda waxaa uu beeniyay in sii hayihii hore xilka laga qaaday kadib markii ay is-khilaafeen, wuxuuna carrabka ku dhuftay in khilaaf uusan meesha soo gelin, isla markaana ay arrintaas la xiriirto sidii loo tayeyn lahaa howlaha Safaaradda Soomaaliya ee
Hayeeshee sii hayihii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Saafaradda Kenya ninka lagu magacaabo Maxamed Cali Ameerika oo wax laga weydiiyay warka ku saabsan in xilkii sii hayenimo laga wareejiyay ayaa waxaa uu sheegay in aysan arrintaas waxba ka jirin, isla markaana uu isagu yahay ninka Soomaaliya u fadhiya Kenya, shaqadiisana uu sii wadan doono.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






