Arbaco,
Wasiirka Ganacsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. C/llaahi Axmed Afrax ayaa sheegay in ganacsatada lagu soo rogay canshuur kala duwan, wuxuuna caddeeyay in go’aanka canshuur qaadista uu yahay mid si sharci ah uga soo baxay Dowladda Federaalka.
Prof. Afrax waxaa uu intaas ku daray in badeecooyinka dalka laga dhoofiyo ee uu dalka u baahan yahay laga qaadi doono canshuur ka badan tan laga qaado badeecooyinka dibadaha ka yimaada, wuxuuna taasi sabab uga dhigay in badeecooyinka dalka ka soo baxa ee dibadda loo dhoofinayo uu dalka u baahan yahay.
Laakin Ganacsatada Gobolka Banaadir oo ka shiray canshuurta ay ku soo rogtay dowladda Federaalka ayaa waxay caddeeyeen in aysan xamili karin canshuurtaas, isla markaana ay tahay mid aan caqli-gal ahayn, wuxuuna afhayeenka ganacsatada Gobolka Banaadir Cabaas Maxamed Ducaale uu sheegay in canshuurta lagu soo rogay ay labuu-laab ka badan tahay intii ay markii hore bixin jireen.
Cabaas waxaa uu sheegay in ay guddi u saareen arrintaas, kaasi oo arrimaha canshuuraha kala hadli doona Dowladda Federaalka, wuxuuna caddeeyay in haddii ay Dowladda ku adkeysato canshuurtaas ay danta ku kalifi doonto in ay joojiyaan badeecooyinka ay geeyaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Wasiirka mar uu ka hadlayay cabashada ka timid Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa wuxuu sheegay in ganacsatada ay u barteen ganacsi aan canshuur laga qaadin, wuxuuna carrabka ku dhuftay in haatan wixii ka dambeeya ay sheekadaasi dhamaatay, ganacsatadana laga doonayo canshuur, bacdamaa ay Dowladda u baahan tahay dhaqaale ay ku fuliso adeegyada ay Shacabkeeda ka sugayaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






