6 C
London
Sunday, October 26, 2025

Saldhigga Booliska Magaalada Beledweyne oo Bambo Gacmeed lagu weeraray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, March 27, 2007(HOL):   Bamka lagu weeraray saldhiga Booliska magaalada B/weyn oo si  weyn qaraxiisa looga maqlay gudaha magaalada ayaa dhanka kale waxaa bar-bar socday Rasaas Culus oo ay isweydaarsadeed  ciidamada  saldhiga iyo waliba koox aan la garan lakiin loo maleynayo in ay la socdeen Qofka Bamka ku weeraray Saldhiga.

 

Labo ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa ilaa hada la og-yahay in ay ku dhaawacmeen weerarka iyadoo ay haleeshay Rasaastii lays weydaarsanayay, walow dhinica kale ee wararka soo qaaday aan la ogeyn qasaaraha soo gaaray,  Taliyaha ciidamada Booliska ee gobalka Hiiraan  G/sare Xuseen Shugri Axmed ayaa sheegay in arintaasi ay ka danbeeyeen  kooxo siweyn looga shaki qabay oo sida uu hadalka u dhigay xiriir la leh Maxkamadihi la wiiqay.

 

G/sare Xuseen Shugri waxaa uu intaa ku daray in Ciidamada Booliska wixii hada ka danbeeya ay heegan buuxa gali doonaan si  markaa isha loogu hayo kooxa geysta Falalka weeraraka ah, islamarkaana ciidamada fasax loo siin doono in ay soo qabtaan cid kasta oo looga shakiyo qaadista weeraro ka dhan ah nabad-galyada.

 

Wararka habeenimadii Xalay lagu qaaday Saldhiga Booliska Magaalada B/weyn ayaa ku soo beegamaya xili dhawaan Mas’uuliyiinta Maamulka gobalku ay ku dhawaaqeen in ay jiraan kooxo laga shakisan yahay kuwaasoo lala xiriirinayo in ay wali gacan saara buuxa la leeyihiin Nidaamkii Maxkamadaha islamarkaana lagu soo rogay magaalada xiliga beenkii Ban’dow.

 

Dadka ku dhaqan Gudaha magaalada oo markii hore u heystay wararka sheegaya in ay jiraan kooxo laga shaki qabo kuwo aan waxba ka jirin ayaa markii uu soo baxay falkan weerarka ah siyaabo kala duwan uga jawaabay,  Qaar kood ayaa sheegaya arimuhu isku wada xiran yihiin lana doonayo in gudaha magaalada laga Alooso qalalaase la mid ah kan ka taagan caasimada muqdisho, halka kuwo kalan qabaan in arintani ay ka danbeeyaan kooxo aan is muujin oo dhawaan warqado ku daadiyay gudaha magaalada.

 

Habeenimadii xalay ayaa markii uu qaraxu dhacay waxaa dhamaan lagu kala tagay goobihii dadku isugu iman jiray,  halka dhanka kalana la dhigay jidadka iyo waliba is-gosyada magaalada ciidamo Boolis ah oo dadka ku amrayay in ku laabtaan hoygooda si markaa loo hubiyo nabad-galyada, waana markii ugu horesay oo uu dhaco wararkan oo kale tan iyo markii maamulka lagala wareegay Maxkamadii islaamiga ee gobalka Hiiraan.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).