Talaado,
Xaaji Abuukar Cumar Caddaan waxaa uu sheegay in heshiiskaas uu ahaa mid qaab Qaraabo ah u dhexmaray isaga iyo mas’uuliyiin ka socday Dowladda federaalka oo uu horkacayay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay warar horay u soo baxay oo sheegayay in uu Xaaji Abuukar la heshiiyay Dowladda Federaalka, isla markaana uu ka qeybgelayo shirka dib u heshiisiinta ah ee ay Dowladda Federaalka ku baaqday.
Xaaji Abuukar waxaa uu sheegay in uu heshiiskaas ka run yahay kaliya in ay is-cafiyeen, wuxuuna caddeeyay in uusan waqtigan u qorsheysneyn in uu tago Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.
Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan waxaa uu sheegay in uu aad uga xun yahay dhibaatooyinka maalmihii tegay ka dhacayay Magaalada Muqdisho iyo madaafiicda kala duwan ee lagu ridayay dadka degan, wuxuuna ku baaqay in dagaalka la joojiyo, isla markaana loo turo dadka rayidka ah.
Mar uu ka hadlayay Xaaji Abuukar sida uu u arkayo shirarka ay Muqdisho ku yeelanayaan Odayaal ka tirsan beelaha Hawiye ayaa wuxuu sheegay in ay Odayaashaasi ka mid yihiin dadkii sameystay Maxkamadihii Islaamka ee la bur buriyay, kuwaasi oo sida uu yiri xaq u leh in ay shiraan oo ay cabashadooda muujiyaan.
Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Nairobi, ninka lagu magacaabo Maxamed Cali Ameerika ayaa shaaciyay in ay Magaalada Nairobi heshiis ku wada gaareen Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan iyo Dowladda Federaalka, isagoo carrabka ku dhuftay in qodobada lagu heshiiyay ay ka mid ahaayeen in la is-cafiyo, in uu Xaaji Abuukar taageero dowladda Federaalka, isla markaana uu ka qeybgalo shirka dib u heshiisiinta ah ee ay Dowladda ku baaqday, hayeeshee Xaaji Abuukar waa uu beeniyay warkaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






