Talaado,
Nabaddoon Axmed Diirye Cali oo ka hadlayay munaasabad ay Odayaasha Beesha Hawiye ku wareejinayeen maxaabiis Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka looga qabtay dagaalkii dhawaan Muqdisho ayaa sheegay in ay Dowladda Federaalka ka doonayaan in ay shuruud la’aan sii deyso maxaabiis ay horay u xirtay.
Axmed Diiriye waxaa uu sheegay in Maxaabiis u xiran Dowladda Federaalka qaarkood ay u soo gacan gelisay Dowladda Kenya, halka kuwo kalena ay ka qabteen gudaha Dalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay haboon tahay in maxaabiistaas loo sii daayo sida ay u daayeen Maxaabiistii ay hayeen.
Ciidamada
Mas’uuliyiin u hadlay Dowladda Federaalka ayaa maxaabiistaas ku tilmaamay kuwo xiriir la leh argagixisada, iyadoo ay maxaabiistaasna isugu jireen dad ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka, kuwo taageerayaal u ahaa iyo weliba dad rayid ah oo tuhun ahaan loo soo qabtay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa inkirtay in maxaabiistii ay shalay wareejiyeen Odayaasha Beesha Hawiye ay ahaayeen ciidamo laga qabsaday Dowladda Federaalka, waxayna mas’uuliyiin u hadlay ay u sheegeen Odayaal la xiriiray in aysan jirin ciidamo laga heysto oo ka maqan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






