Talaado,
Markii uu qaraxaas dhacay kadib ayay Ciidamada Itoobiyaanka gebi ahaanba xireen wadada isku xirta Xamar iyo Balcad, iyagoo dib u celinayay gaadiidka isaga kala goosha Xamar iyo Balcad.
Xirnaashaha wadadaas ayaa waxay sababtay in ay hakadaan Caanihii iyo Qudaartii iyo Cowskii Dadka Muqdisho uga imaan jiray dhinaca Degmada Balcad, waxayna dadku ku tilmaameen cunaqabateyn uga timid dhinaca Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Deegaanka Ceel Cerfiid.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa had iyo jeeraale marka la weeraro waxay xiraan waddooyinka soo gala ama ka baxa halka dhibka loogu geystay, iyadoo taasina ay dadka qaarkiis ku macneeyeen in ay qarsanayaan dhibaato soo gaartay.
Dad ku sugan Deegaanka Ceel Cerfiid ee u dhaxeeya Xamar iyo Balcad ayaa sheegay in markii shalay qaraxa loo geystay Ciidamada Itoobiyaanka ay rasaas xooggan fureen, taasi oo uu ku dhintay nin TAXI wade ah oo wadada marayay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






