10.9 C
London
Saturday, October 25, 2025

Kismaayo oo xalay nin nabad-sugid ahaa lagu dilay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, March 27, 2007(HOL): Xaafadda Calanley ee Magaalada Kismaayo ayaa xalay lagu dilay nin ka tirsanaa Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda Federaalka ee ku sugan halkaas.

 

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Burhaan Bucul, waxaana dilkiisa geystay nin ku hubeysnaa bastoolad kaasi oo markii dambe ay soo qabteen Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Magalada Kismaayo.

 

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka ee suga ammaanka magaalada Kismaayo ay ku guuleysteen dadaal dheer kadib in ay soo qabteen nin dilka geystay iyo bastooladdii uu watay.

 

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo waxaa uu intaas ku daray in ay wax ka qaban doonaan ammaanka Magaalada Kismaayo oo maalmihii tegay ka sii darayay, wuxuuna sheegay in sharciga la hor keeni doono dadka ka dambeeya falalka nabadgelyo darrada ah ee ka jira Magaalada Kismaayo.

 

Magaalada Kismaayo ayaa tan iyo markii ay ka soo tageen ciidamo Itoobiyaan ah oo horay u tegay waxaa ka dhacayay dilal loo geystay dad rayid ah iyo Taliyihii Saldhigga Booliska Magaalada, kadibna waxaa xigay qarax lala beegsaday isla Saldhigga, iyadoo ka sii horna Bam lagu qarxiyay Saraakiil Ciidan oo ku qudbeynayay Fagaaraha Beerta Xoriyadda Magaalada Kismaayo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).