Talaado,
Shirkan oo ay saxaafadda banaanka ka joogtay ayaa waxaa la sheegay in ay labada dhinac uga wada hadlayeen Xaaladda Magaalada Muqdisho iyo sidii ay hoggaamiyayaashan uga qeybgeli lahaayeen shirka dib u heshiisiinta ah ee ay Dowladda Federaalka ku baaqday.
Hoggaamiye Kooxeedyadan oo ah kuwii ay Maxkamadihii Islaamka ka ceyrsadeen fariisimadoodii Magaalada Muqdisho ayaa xarumahoodii dib ugu soo laabtay markii ay Dowladda Federaalka Muqdisho ku tagtay Taangiyada Itoobiyaanka, waxayna hubkoodii ku wareejiyeen Dowladda Federaalka.
Hoggaamiye kooxeedyadan oo qaarkood ay Dowladda Federaalka ka mid yihiin ayaa waxay taageersan yihiin joogitaanka Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Dalka Soomaaliya, inkastoo ay qaar ka mid ah Hoggaamiyayaashaas ay horay u cambaareyn jireen faragelinta ay Dowladda Itoobiya ku heyso Dalka Soomaaliya.
Dhanka kalena, Magaalada Muqdisho ayaa waxay u muuqataa mid deganaanteedii ku soo laabaneysa kagadaal dagaallo khasaare ba’an geystay oo muddo seddex maalmood ah ka socday, inkastoo aysan weli soo laaban dad badan oo dagaalladaas ka qaxay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






