10.9 C
London
Saturday, October 25, 2025

Ma Dayax Gacmeed baa Qalabka ku soo dhacay agagaarka Degmada Buula Burte?

- Advertisement -spot_imgspot_img
DADKA KU DHAQAN GOBALKA HIIRAAN OO WAL WAL BADAN KA QABA QATARTA KA  IMIN KARTA WAX LOO MALEEYAY DAYAX GACMEED OO KU SOO DHACAY MEEL KU DHAW DEGMADA BUULA-BURTE.
 
Isniin, Mar, 26, 2007 (HOL)   Wararka ka soo baxaya Degmada Buula-Burte ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in dhawaan deegaanka lagu magacaabo  (Cows-weyn) oo dhinaca Bari uga beegan Degmada Buula-burte lagu arkay wax u muuqda dayax gacmeed oo sida dadka deegaanku sheegay halkaa ku soo dhacay.
 
sida laga soo xigtay dad tagay goobta lagu arkay  Qalabka loo maleynayo Dayax-gameedka ayaa sheegay in uu ku fadhiyo dhul ballaaran  islamarkaana aysan suurta gal aheyn in loo dhawaado  shucaaca iyo waliba Ileyska ka soo baxay awgeed, waxaana wararku intaa ku darayaan in  Gudaha Qalabkaasi laga maqlayo dhawaaqyo iyo waliba codad kala gadisan, walow aan la ogeyn in uu dad ku dhax jiro ama uu yahay dhawaaqaasi  mid ka soo baxaya qalabka codadka duuba.
 
Axmed Shire oo ka tirsan mid ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ee degamada Buula-burte ayaa sheegay in ka hor inta uusan dhicin Dayax-gacmeedku uu si xooli ah ku kor maray degmada isaga oo bixinaya dhawaaq dadka argagax galiya waxaana uu intaa ku daray markii uu dhacay in laga wada maqlay dhamaan daafaha degmada.
 
Qaar ka mid ah hay’adaha samafalka ee ka howl-gala gobalka oo arintan xiriir kala sameeyay Rag Qubaro ah oo fadhigoodu yahay Dalka Kenya ayaa sheegay in lagu wargaliyay in aan loo dhawaan islamarkaana layska ilaaliyo in lagu rido Rasaas iyo wax la mid ah, taasoo keeni karta in uu Qarax sameeyo, waxaana Qubaradu ay intaa ku dareen in hadii uu qalabkaasi qarxo laga yaabo in uu sababo nabaad-guur dhinaca dhulka ah  iyo waliba dhimashada dhamaan noolaha ka ag dhaw goobta uu ku qarxo.
 
saacadaha soo socda ayaa la filayaa in deegaanka Cows-weyne ay gaaraan mas’uuliyiin ka socta hay’adaha samafalka si markaa loo ogaado dhab ahaan waxa uu yahay qalabka soo dhacay iyo waliba hadii ay suurta gal tahay in halkaasi laga soo qaado sawiro, marka laga soo tago mas’uuliyiinta hay’adaha samafalka ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in goobtaasi ay gaaraan  koox wariyayaal  si loo soo bandhigo xaqiiqda dhabta ah ee jirta.
 
wixii ku soo kordha warka ku saabsan Qalabka loo maleynayo Dayax-gameedka ee soo dhacay kala soco wararka danbe ee HOL.


 
C/raxmaan diini, hiiraan online
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).