Isniin,
Lama yaqaano waxa sababay qaraxaas oo aad u xoogganaa, waxayse dadka qaarkiis sheegayaan in uu qaraxaas ahaa mid lagu tuuray Saldhigga, halka dad kalena ay sheegayaan in uu qaraxa ka dhashay Saldhigga gudahiisa.
Qaraxaasi ayaa markii uu Saldhigga qabsaday waxay ciidamada Itoobiyaanka fureen rasaas aad u xooggan, taasi oo uu ku dhinay nin TAXI wade ahaa oo marayay Wadada Ceel Carfiid.
Qaraxaas dartiis ayay Ciidamada Itoobiyaanku xireen Wadada isku xirta Xamar iyo Balcad, waxayna taasi keentay in ay dad badan oo Xamar ku sii jeeday ay dib isaga noqdaan Degmada Balcad oo ay ka soo amba baxeen.
Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa qaraxyo iyo weerarro lala beegsadaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay dabayaaqadii sanadkii hore ay soo gaareen Dalka Soomaaliya, waxaana weerarradaasi la beegsada kooxo hubeysan oo si weyn uga soo horjeeda joogitaankooda Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






