10.9 C
London
Saturday, October 25, 2025

Uganda oo Wada hadal la fureysa Odayaasha Qabiilka Hawiyaha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, March 26, 2007(HOL): Sarkaal u hadlay Ciidamada Dhulka Uganda oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa sheegay in ay saraakiishooda jooga Magaalada Muqdisho ay wada hadallo la furayaan Qabaa’ilka Soomaalida, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda beesha Hawiye ee Muqdisho ku sugan.

 

“Wiilasheena jooga magaalada Muqdisho waxay isku dayayaan in ay la hadlaan dhinacyada dagaalka iskala soo horjeeda, weyna sameyn karaan sidaas, haddii ay sidaas sameeyaana waxaa u sahlanaaneysa in ay qaab wada hadal ah ku soo celiyaan xasiloonida Magaalada Muqdisho”ayuu yiri Lt. Gen. Katumba Wamala oo ah Taliyaha Ciidamada Dhulka Uganda.

 

Taliyaha wuxuu ka gaabsaday in uu ka hadlo Diyaarad Midowga Afrika u kireysneyd oo Jimcihii aynu ka soo gudubnay ku dhacday duleedka Magaalada Muqdisho, taasi oo ay ku dhinteen 11 ruux oo isugu jiray shaqaalihii diyaaradda iyo Injineerro dayactiri lahaa diyaarad ku haleysan Garoonka Diyaaradaha Mqudisho.

 

Jimcihii aynu ka soo gudubnay ayay Ciidamada Uganda oo ku howlgelaya Magaca Midowga Afrika waxay la wareegeen gacan ku heynta Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka, iyagoo horayna ula soo wareegay gacan ku heynta Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

 

Dhanka kalena Madaxa Ciidamada Uganda Gen. Aronda Nyakairima ayaa sheegay in ay jiraan tuhunno ku saabsan in xubno ka tirsan Al-qaacidda ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho, isagoo carrabka ku dhuftay in madaafiicda hoobiyayaasha ah ee ka dhaca magaalada Muqdisho ay caddeyn u noqon karaan arrintaas.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliyaa ayaa dagaallo ka dhacay dabayaaqadii todobaadkii hore waxaa ay sababeen dhimasho, dhaawac iyo barakac inta badan soo gaaray dad rayid ah, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka oo garabsanaya kuwo Itoobiyaan ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).