Isniin,
Sida uu u xaqiijiyay HOL mid ka mid ah mas’uuliyiinta Degmada Buula-burte markii ay ciidamadu gudaha u soo galeen degmada waxaa ay cirka u rideen Rasaas inta badan qal-qal ku abuurtay dadka degmada oo mar u qaatay in halkaasi dagaal ka qarxay lakiin markii danbe ciidamadu ku macneeyeen in Rasaastu aheyd mid dabaal deg ah.
Tirada ciidamada oo ilaa hada aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa waxaa qiyaastii lagu sheegay in gaarayaan ilaa 100 Askari inkastoo laga yaabo in tiradu intaa ka yar tahay, mas’uulka arintan u xaqiijiyaya HOL ayaa in taa ku daray in ciidamadu ka soo gadoodeen dhaqaale xumo soo food saartay iyo waliba dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada muqdisho oo sida ay ciidamadu sheegeen aysan suurta gal-aheyn in la sii wado iyada oo aan la helin dhaqaale ku filan ciidamada dagaalamaya.
Intii ay jidka ku soo jireen ciidamadan soo goostay ayeey wararku tilaamayaan in uu jiray iska hor- imaad ku dhax maray daafaha gobalka Shabeelada dhaxe ciidamo bar-koontarool joogay walow uusan wax qasaare ah geysan iska hor imaadka dhacay.
Inkastoo warka ku saabsan ciidamadan soo gaaray gobalka Hiiraan uu sheegayo in ay yihiin kuwo soo goostay ayaa dhanka kalana waxaa jira warar kale oo tilmamaya in ciidamada soo gaaray Degmooyinka Buula-burte iyo waliba Jalalaqsi yihiin kuwo halkaa u yimid howlo shaqo lakiin dib ugu laaban doona dhinaca Garoonka Bali-doogle oo fariisin u ah.
Ma ahan markii ugu horeysay oo uu soo baxo war sheegaya in jiraan ciidamo ka soo jeeda gobalka Hiiraan oo ka soo gostay waxaana xusid mudan in waqtigii midowga Maxkamaduhu ka talinayeen K/soomaaliya ay ka soo goosteen magaalada B/dhabo ciidamo ka soo jeeday gobalka Hiiraan kuna soo biiray Midowgii Maxkamadaha ee waqtigaa jiray.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online






