Isniin, March 26, 2007(HOL): Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) ayaa shaaca ka qaaday in ay Dowladda Federaalka diyaar u tahay in ay la hadasho odaayaasha Beesha Hawiye ee eedda ka sheeganaya.
“Annagu horayba diyaar ayaan ugu ahayn in aan la hadalno, balse iyaga ayaa na diidanaa oo wada hadallada ka meer-meerayay, hadana waxaan caddeyneynaa in aan rabno in la hadalno oo aan cabashadooda dhegeysanno”ayuu yiri Gacma-dheere.
Wasiirka waxaa uu rajo ka muujiyay in wax la isla meel dhigi karo haddii ay labada dhinac isu yimaadaan oo ay wada hadlaan, waayo ayuu yiri Dowladda Federaalka waxay dooneysaa in ay la heshiiso cid kasta oo ka soo horjeeda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa uu baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo maalmihii tegay ka qaxayay dagaallada Magaalada Muqdisho, wuxuuna ugu baaqayay in ay qaxa joojiyaan, isla markaana ay kuwii qaxay guryahooda dib ugu soo laabtaan.
Dhanka kalena, Odayaasha beesha Hawiye ayaa iyaguna waxay soo dhaweeyeen wada hadalka ay ku baaqday Dowladda Federaalka, wuxuuna Nabaddoon Axmed Diiriye Cali oo sheegta in uu yahay Afhayeenka Beelaha Hawiye uu sheegay in ay la hadlayaan cid kasta oo bani’aadam ah oo nabad raadineysa.
Sidoo kalena Odayaasha Beesha Hawiye waxay iyaguna ugu baaqeen Shacabka Muqdisho ku dhaqan in ay qaxa joojiyaan bacdamaa ay adkeynayaan xabad-joojintii ay dhawaan ku baaqeen, waxayna dadkii qaxay ka codsadeen in ay dib u soo laabtaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






