10.9 C
London
Saturday, October 25, 2025

Dad badan oo maanta mar kale ka qaxay magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img


Axad, March 25 2007(HOL):  Dadkii ugu badnaa ayaa maanta waxay ka qaxeen magaalada Muqdisho tan iyo markii ay bilowdeen dagaallada u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo kooxaha ka soo horjeeda, waxaana maanta lagu arkayay waddooyinka Muqdisho dad u badan haween iyo caruur, kuwaasi oo qaarkood magaalada ay ka baxayaan , halka ay kuwa kalena ay u qaxayeen eheladooda oo ku sugan xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho.

 

Dadkani ka qaxay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu qaxooda yimid kadib markii maalintii shalay ahayd uu natiijo la’aan ku dhamaaday kulan ay isku soo horfariiseen Odayaal ka socday Beelo ka tirsan Beesha Hawiye iyo Saraakiil Itoobiyaan ah, waxayna dadka bilaabeen in ay qaxaan kagadaal markii ay maqleen in ay natiijo ka soo bixi weysay wada hadallo labada dhinac u socday.

 

Sidaasoo ay tahay  waxaa socda wada hadallo ay leeyihiin Odayaasha Beesha Hawiye, kuwaasi oo ka arrinsanaya sidii ay u wajihi lahaayeen xaaladda ay gashay Magaalada Muqdisho, iyadoo dhinaca kalena ay xusid mudan tahay in Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere uu sheegay in looga baahan yahay dadka wax ka tabanaya Dowladda in ay u yimaadaan oo ay wada hadal la furaan, isla markaana ay iska daayaan hadallada ay Idaacadaha ka sii deynayaan iyo kulamada ay la qaadanayaan Saraakiisha Itoobiyaanka ah.

 

Xaaladda ay ku sugan yihiin dadka rayidka ah ee Muqdisho ku sugan waa mid jaha wareer ah, mana yaqaanaan meel ay u cararaan, waxaadna arkeysaa dad ka soo qaxay xaafado uu saameeyay dagaalka Muqdisho, hadana u qaxaya xaafad kale oo aan waxba dhaamin.

 

Si kastaba arrintu ah ahaatee, Magaalada Muqdisho uma muuqato sidii ay mashquulka u ahayd oo ay u dad badneyd, waxaana lagu tilmaami karaa mid ay dadkeedu sii yaraanayaan sabab la xiriirta dagaalka ka dhex qarxay Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Shisheeye ee ku dhinaca ah iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda oo iyagu maalmahan bilaabay in ay bannaanka isa soo dhigaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).