Sabti,
Mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay horkacayeen Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa la sheegay in ay Xaaji Abuukar Cumar Caddaan ay kula kulmeen magaalada Nairobi, isla markaana ay ku wada heshiiyeen.
Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Ameerika oo qudhiisa kulankaas ka qeybgalay ayaa sheegay in ay labada dhinac heshiis buuxa ka gaareen mad-madowgii horay u dhex yiilay, isla markaana ay is-cafiyeen.
Qodobada ay labada dhinac ku heshiiyeen ayuu Maxamed Cali Ameerika sheegay in ay ka mid ahaayeen in laga wada shaqeeyo nabadeynta dalka Soomaaliya, in Xaaji Abuukar Cumar Caddaan uu ka qeybgalo shirka dib u heshiisiinta ah ee ay Dowladda Federaalka ku baaqday in Magaalada Muqdisho lagu qabto 16-ka bisha soo socota ee April.
Maxamed Cali Ameerika waxaa uu intaas ku daray in Xaaji Abuukar Cumar Caddaan uu dhawaan tegi doono Magaalada Muqdisho, isla markaana uu kaalin mug leh ka qaadan doono arrimaha dib u heshiisiinta iyo nabadeynta Dalka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in Xaaji Abuukar uu arrintaas ballanqaaday.
Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan ayaa dalka Soomaaliya isaga tegay markii la wiiqay awooddii Maxkamadaha Islaamka, isagoo dhinaca dhulka ka galay dalka
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






