9.7 C
London
Saturday, October 25, 2025

Shir ay Muqdisho ku yeesheen Odayaal ka socday Beesha Hawiye iyo Saraakiil Itoobiyaan ah oo lagu kala kacay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, March 25, 2007(HOL): Shir ay shalay gelinkii dambe ku yeesheen magaalada Muqdisho Odayaal ka socday Beesha Hawiye iyo Saraakiil Itoobiyaan ah ayaa natiijo la’aan ku dhamaaday, kadib markii la isku af-garan waayay waxyaabihii ay labada dhinac ka wada hadlayeen.

 

Shirkaas oo daba socday Shir ay labada dhinac horay ugu yeesheen Magaalada Muqdisho ayay labada dhinac isku af-garan waayeen qodobo ay ka mid ahaayeen in Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ay fariisimo hor leh ka sameystaan magaalada Muqdisho, isla markaana ay howlgallada sii wadaan iyo in ay  Ciidamada Itoobiyaanku doonayaan in ay soo qabtaan rag ay Argagixiso ku tilmaameen oo Magaalada Muqdisho ku sugan.

 

Odayaashii ka socday Beesha Hawiye ayaa hadalkaas uga yimid dhinaca Saraakiisha Itoobiyaanka ka soo horjeestay, waxayna sheegeen in aysan Xamar joogin wax argagixiso ah, isla markaana ay degan tahay Beel Hawiye la yiraahdo, iyadoo taasina ay markooda u cuntami weysay Saraakiishii Itoobiyaanka ee kulanka ka qeybgalay.

 

Odayaasha ka socday Beesha Hawiye iyo Saraakiisha Itoobiyaanka ayaa horay kulan ugu qaatay Magaalada Muqdisho, iyadoo kulankaasina ay ka soo baxeen qodobo ay ka mid ahaayeen in la joojiyo dagaalkii Muqdisho ka socday dabayaaqadii todobaadkii hore, waa sida ay sheegeen Odayaashii la kulmay Saraakiisha Itoobiyaanka, hayeeshee waxaa muuqata in Saraakiisha Itoobiyaanka uu is-bedel weyn ku yimid waaba haddii uu jiray heshiiskii hore-e`.

 

Xaaji Cabdi Iimaan Cumar iyo Nabaddoon Axmed Diiriye Cali oo kulankaas kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay Itoobiyaanku u caddeeyeen in aysan ka ooli doonin, isla markaana ay sii wadayaan howlgallada ay Muqdisho ka wadaan, waxayna caddeeyeen in aysan iyaguna gacmaha ka laaban doonin oo ay iska celin doonaan haddii uu weerar uga yimaado dhinaca Itoobiyaanka.

 

Haddaba markii uu soo baxay warka ku saabsan in lagu kala tegay kulan ay Muqdisho ku yeesheen Odayaal ka socday Beesha Hawiye iyo saraakiisha Itoobiyaanka ayaa waxaa magaaalda Muqdisho ka bilowday qax aad u faro badan, iyadoo saakay lagu arkayay Waddooyinka Xamar Qoysas Gaadiid ku qaxaya iyo kuwo lugeynaya oo u socda eheladooda oo degan meelo ka fog halka ay ciidamada labada dhinac isku hor-fadhiyaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).