9.7 C
London
Saturday, October 25, 2025

Maamulka Puntland oo beeniyay in Ciidamo ka socda ay Muqdisho dhibaato ka geysanayaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, March 25, 2007(HOL): Wasiirka Dowladaha Hoose ee Maamulka Puntland Cali Cabdi Awaare ayaa beeniyay Warar beryahan ka soo baxayay Odayaal ka soo jeeda Beesha Hawiye oo sheegayay in Ciidamo ka socda Maamulka Puntland ay dhibaato ka geysanayaan Magaalada Muqdisho.

 

Cali Cabdi Awaare waxaa uu sheegay in ay wararkaasi faafinayaan dad uu sheegay in ay dano gaar ah leeyihiin, wuxuuna caddeeyay in aysan Muqdisho ka joogin Puntland ciidamo dhibaato geysanaya, isagoo intaasna ku daray in ciidamada Puntland ka socda ee Magaalada Muqdisho jooga ay la mid yihiin kuwo badan oo laga soo uruuriyay Beelaha ay ka kooban tahay Dowladda Federaalka.

 

Wasiirka Dowladaha Hoose ee Maamulka Puntland waxaa uu la hadlay beelaha ku sugan Magaalada Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan oo ay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka iyo madaxweynaheeda, sidii ay iyaguna ugu soo dhaweeyeen deegaanada Puntland Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere iyo wafdi ballaaran oo la socday mar ay booqdeen deegaano hoos yimaada Maamul Goboleedka Puntland.

 

Sidoo kalena, Wasiirka mar uu ka hadlayay sida loo xalili karo mushkiladaha ka jira magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in waxyaabaha la kala tabanayo laga wada hadli karo, isla markaana xal la gaari karo, “Soomaalida waa heshiin karaan, xalna wey gaari karaan, waxaana qabaa in  inta loo quurayo in qof dhinto ay ka wanaagsan tahay in la wada hadlo oo geed la wada fariisto, Isimada iyo Odayaasha dhaqankana loo yeero”ayuu yiri Cali Cabdi Awaare oo ay wareysaneysay Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga.

 

Si kastaba arrintu ahaatee, Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Qaar ka mid ah Beelaha Hawiye ayaa waxay maalmihii tegay ku eedeynayeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed in uu soo kaxeystay Ciidamo Puntland ah oo uu doonayo in uu ku xasuuqo Beesha Hawiye ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho, iyadoo Nabaddoon Axmed Diiriye Cali oo sheegta in uu yahay Afhayeenka Beelaha Hawiye uu sheegay in uu madaxweynaha doonayo in uu ka aar-goosto Beesha Hawiye, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).