9.3 C
London
Saturday, October 25, 2025

Ra’iisal Wasaare Geedi oo Sacuudiga u dhoofay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, March 24, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda Magaalada Riyaad ee dalka Boqortooyada Sacuudiga.

 

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Magaalada Riyaad kaga qeybgeli doona shir ay halkaasi ku leeyihiin madax ka socota dalalka Islaamka, sida uu saxaafadda u sheegay ku simaha Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Muxyaddiin Codka.

 

Afhayeenka waxaa uu sheegay in shirka uu Ra’iisal Wasaaraha ka qeybgelayo uu ku casuumanaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, balse shaqo badan oo u taala Madaxweynaha darteed Ra’iisal Wasaaraha uu ugu kicitimay.

 

Ra’iisal Wasaaraha markii uu ka dhoofayay garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa horay u sii raacay Maareeyaha Dekedda Muqdisho Inj. Cabdi Jiinow Calasow, iyadoo magaalada Nairobi-na uu ka sii raaci doono Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa.

 

Sida uu sheegay Ku simaaha Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Codka, waxaa la filayaa in uu Ra’iisal Wasaare Geedi kulamo kula qaato magaalada Riyad mas’uuliyiin badan oo ka socda dalalka Islaamka iyo madaxda dalka Boqortooyada Sacuudiga, kuwaasi oo ay isla soo qaadi doonaan xiriirka labada dal iyo sidii ay dowladda Sacuudiga u caawin lahayd Dowaldda Federaalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).