9.3 C
London
Saturday, October 25, 2025

11 Ruux oo ku geeriyooday Diyaarad ku dhacday Duleedka Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, March 24, 2007(HOL): 11 ruux oo saarnaa diyaarad xamuul ah oo qalab dayactir ah u geysay diyarad ku ciladeysneyd Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa waxay ku burburtay duleedka Magaalada Muqdisho.

 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababtii ay diyaaraddaas u bur-burtay, waxayna warar ka soo baxay dhinaca dowladda Federaalka ay sheegayaan in diyaaraddaas ay u burburtay sabab la xiriirta cilad ku timid mid ka mid ah matoorrada diyaaradda, halka warar kalena ay sheegayaan in diyaaradda aysan cilad u dhicin oo gantaal lagu dhuftay.

 

Diyaaradda oo ku dhacday meel u dhaxeysa Ceel Macaan iyo Balcad ayaa waxaa gebi ahaanba ku naf waayay 11 ruux oo saarnaa, kuwaasi oo afar ruux oo ka mid ah ay diyaaradda ku dul fariisatay, halka lix kalena meydkooda laga soo saaray diyaaradda, iyadoo mid dhaawac ahaan loo soo qaadayna uu ku geeriyooday Isbitaalka Keysaney ee magaalada Muqdisho.

 

Guddoomiyaha Degmada Balcad Maxamuud Xuseen Gudbaaye iyo rag kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tegay halka ay ku burburtay Diyaaraddaas, wuxuuna sheegay in aysan jirin cid diyaaraddaas ka badbaaday oo ay arkeen, inkastoo qof ay dhaawac ahaan diyaaradda uga soo saareen uu markii dambe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ay ku ogaanayaan wixii keenay in ay diyaaraddaas burburto, wuxuuna ka gaabsaday in uu xaqiijiyo in diyaaraddaas ay u bur burtay sabab la xiriirta gantaal lagu dhuftay xili ay dul mareysay Hawada Magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).