9.3 C
London
Saturday, October 25, 2025

Mareykanka iyo Midowga Yurub oo taageeraya Shirka Dib u heshiisiinta ah ee ay Dowladda Federaalka ku baaqday

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, March 24, 2007(HOL): Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay soo dhaweyneyso oo ay taageeryeso shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ay ku dhawaaqday Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, waxayna Dowladda Mareykanka shirkaas ku tilmaantay jaaniska ugu wanaagsan ee lagu soo af-jari karo dhibaatada Soomaaliya.

 

Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya magaalada Nairobi Mr. Micheal Ranneberger oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Naiorbi ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliyeed in ay shirkaasi ka dhigto mid laga wada qeybgalo, si ay uga soo baxaan wax xal u ah mushkiladda ka taagan Soomaaliya.

 

Micheal Ranneberger waxaa uu sheegay in ay dowladdiisa dhaqaale ku taageereyso shirka dib u heshiisiinta ah ee ay Dowladda Federaalka ugu talagalay in uu 16-ka bisha April ee soo socota ka furmo Magaalada Muqdisho, sidoo kalena wuxuu caddeeyay in ay dhaqaale ku taageerayaan Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya lagu daad-gureynayo.

 

Dowladaha Mareykanka, Itoobiya iyo Midowga Yurub ayaa waxay dowladda Federaalka Soomaaliya cadaadis ku saarayaan in ay wada hadal la furto dhamaan Soomaalida oo ay xitaa ku jiraan xubno qunyar socod ah oo ku jiray Maxkamadihii Islaamka, walow ay mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka ay u muuqdaan kuwo aan la dhacsaneyn dalabka uga imaanaya Dowladahaas.

 

Dhanka kalena Ururka Midowga Yurub oo warbixin ka soo saaray ayaa isna soo dhaweeyay shirka dib u heshiisiinta ah ee ay Dowladda Federaalka ku baaqday, wuxuuna caddeeyay in uu shirkaasi qabsoomiddiisa uu dhaqaale ku bixin doono, inkastoo uu ku baaqay in loo baahan yahay in shirkaas laga wada qeybgalo.

 

Midowga Yurub waxaa uu walaac ka muujiyay dagaalka maalmihii aynu soo dhaafnay ka socday Magaalada Muqdisho, wuxuuna dagaalkaas ku tilmaamay mid khasaar ba’an geystay, waxayna dhinaca kale taageereen heshiis xabad joojin ah oo ay Muqdisho ku wada gaareen Beelo ka mid ah Qabiilka Hawiyaha iyo Saraakiil Itoobiyaan ah.

 

Midowga Yurub waxaa uu ku celiyay in uu taageerayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna ku sheegeen maamulka kaliya ee la aqoonsan yahay ee hataan ka dhisan Soomaaliya, waxayna Madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqeen in ay dulqaad badan muujiyaan oo markaasina ay qalbi furan kula xiriiraan dhamaan Soomaalida si ay heshiis u gaaraan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).