8.5 C
London
Saturday, October 25, 2025

Qarax ka dhacay Magaalada Kismaayo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, March 23, 2007(HOL): Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubadda Hoose ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay qarax sababay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca labo ruux oo kale oo dhamaantood ahaa dad rayid ah.

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in uu qaraxaasi uu ahaa Bambo gacmeed lagu tuuray Saldhigga Booliska Magaalada Kismaayo, inkastoo Bambada aysan ku dhicin saldhigga, hayeeshee ay ku dhacday guri ku dheganaa.

 

Qaraxan ayaa ah midkii labaad oo ka dhaca magaalada Kismaayo tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Maxkamadihii Islaamka oo muddo 3 bilood ah ka talinayay magaalada Kismaayo ay halkaasi isaga tageen, waxaana qarax midkan ka horeeyay ku dhaawacmay Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Dowladda Federaalka.

 

Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Kismaayo lagu dilay Taliyihii Saldhigga Booliska Magaaladaas G/lle Cabdi Maxamed C/lle (Cabdi Gaab), inkastoo dilka sarkaalkaas uu geystay nin ka tirsanaa ilaaladiisa oo ay is-khilaafeen nin kale oo isna ilaalo ka hayay isla guriga Taliyaha.

 

Qaraxa xalay ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd uu Taliyaha Guutada Koowaad ee CIidamada Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Col. C/risaaq Af-gaduud uu sheegay in ay magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda ay ku dhuumaaleysanayaan rag ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka, kuwaasi oo uu ku amray in ay iska diiwaangeliyaan Saldhigga Booliska Kismaayo iyo Xarunta Nabad-sugidda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).