Jimco,
Nabaddoon Maxamed Ibraahim Aadan iyo Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur oo kulankaas ka qeybgalay ayaa sheegay in ay saraakiisha Itoobiyaan ka doodeen xaaladda magaalada Muqdisho iyo dagaallada maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay.
Nabaddoon Maxamed Ibraahim Aadan ayaa sheegay in ay dood dheer kadib ay isku af-garteen saraakiisha Itoobiyaanka ah in la joojiyo dagaalka ka socda magaalada Muqdisho, isagoo caddeeyay in ay dhinacooda ballanqaadeen in ay dagaalka joojiyaan, halka Saraakiisha Itoobiyaankana ay kula ballameen in ay iyana ka kaxeeyaan sida uu hadalka u dhigay Ciidamada C/llaahi Yuusuf ee soo dul-degay.
Nabaddoonka waxaa uu intaas ku daray in ay go’aansadeen in ay isla xiriiraan Beel ahaan, isla markaana maanta oo Jimco ah xabadda la joojiyo, kadibna la wada hadlo, si loo baajiyo khasaare ka dhasha dagaallada oo sii socda.
Kulanka ay yeesheen Saraakiisha Itoobiyaanka ah iyo qaar ka mid ah Odayaasha Beesha Hawiye ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo dagaallo qaraar ay shalay iyo dorraad ka dhaceen magaalada Muqdisho, isla markaana ay Dowladda Federaalka ballan ku qaaday in ay sii wadeyso dagaalka ay kula jirto kooxo ay argagixiso ugu yeertay oo ku dhex dhuumanaya dadka rayidka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






